Mikkel Wara oo loo doortay wasiirka cusub ee cadaalada Norway

0
83
Wasiirka cadaalada Norway: Tor M. Wara Foto: First House

Reysulwasaaraha Norway ayaa maanta wasiirka cadaalada, soo galootiga iyo amniga u magacowday Mikkel Wara oo katirsan xisbiga FRP, horeyna uga mid ahaa siyaasiyiinta caanka ah ee dalkan Norway.

Magacaabista Mikkel Wara ayaa filanwaa ku noqotay dad badan oo filayay in jagada wasiirka cadaalada loo daayo Per Sandberg oo si kumeel gaar ah xilkaas usii hayay, kadib markii ay horey isku casishay Sylvi Listhaug.

Wasiirkan cusub ee la magacaabay ayaa ku caan ahaa in fikrad aan adkeyn uu ka qabo arimaha soo galootiga, isaga oo horey u sheegay inuu u furanyahay fikir ahaan in Norway ay qaadato soo galooti dheeri ah. Balse markii la magacaabay maanta ayuu saxaafada u sheegay inuu isbadal ku yimid hada, uuna qabo in la adkeeyo siyaasada soo galootiga Norway.

Soo bandhig liiska shirkadaha aad u shaqeysay:

Mikkel Wara ayaa kahor inta aan maanta loo magacaabin xilka wasiirnimo, waxa uu u shaqeyn jiray shirkada First House oo ah shirkad gaar loo leeyahay, isla markaana shirkadaha, xisbiyada, ururada iyo shaqsiyaadka ka caawiso inay helaan gal-gal siyaasadeed iyo saameyn dhanka bulshada ama siyaasada ah.

Xisbiyada mucaaradka ayaa isla maantaba weerar ku bilaabay wasiirkan cusub, waxeyna ka codsadeen inuu soo bandhigo shirkadaha uu shaqada u qabtay intii uu joogay First House, si loo ilaaliyo dhex-dhexaadnimadiisa. Balse wasiirkan ayaa sheegay in taas aysan hada shaqadiisa aheyn, inkasta oo shirkada First House ay soo bandhigtay liiska qeybo kamid ah shirkadaha uu wasiirkan horey ugu shaqeeyay.

Wasaarada cadaalada ayaa kamid ah wasaaradaha ugu miisaanka culus Norway, gaar ahaan saameynta ugu weyn ku leh dadka soo galootiga ah iyo qoxootiga.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments