Wasiiradii cadaalada Norway oo shaqo cusub loo magacaabay.

0
96
Photo: Ze'ev Yanai

Labo isbuuc kahor ayay aheyd markii wasiiradii hore ee cadaalada Norway ay  iska casishay xilkii wasiirnimo, iyada oo saacado ay ka dhimanaayeen mooshin iyada ka dhan ah oo baarlamaanka Norway la horkeenay.

Listhaug ayaa wasiirnimada ka sokow aheyd xildhibaan katirsan baarlamaanka, laakiin maadaama sharciga Norway uusan qofku isku noqon karin wasiir iyo xildhibaan, waxey fasax shaqo kaga maqneyd shaqada xildhibaannimada, waxaana booskeyga fadhiyay ku xigeenkeeda.

Maadaama ay hada weyday xilkii wasiirnimo, waxey dib ugu noqotay booskeedii xidlhibaaninimada, iyada oo kamid noqotay gudi hoosaadka caafimaadka iyo xanaanada.

Listhaug ayaa sheegtay in ka shaqeynta arimaha caafimaadka ay aheyd arin ay waligeed ku riyoon jirtay, inkasta oo ay kusoo caanbaxday arimaha soo galootiga iyo qoxootiga.

reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa horey u muujisay in Listhaug ay mar kale kasoo dhex muuqan karto golaheeda xukuumada.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments