Hamar: Soomaali xabsi lagu xukumay oo racfaan u qaatay maxkamada sare ee Norway

0
136
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Nin soomaali oo maxkamada darajada sadexaad ee gobolka Hedmark ay ku xukuntay sagaal sano oo xabsi ah, ayaa racfaan u gudbiyay maxkamada sare ee dalkan Norway. Ninkan soomaaliga ah oo dhowr iyo labaatan sano jir ah ayaa lagu helay fal danbiyeed isku day dil ah, oo uu kula kacay gabar soomaali ah.

Ninkan ayaa horey racfaan uga qaatay xukunka maxakamada darajada sadexaad, balse maxkamada darajada labaad ayaan wax ka badalin xukunka sagaalka sano ah ee ninkan lagu xukumay.

Xeer ilaalinta Maxkamada sare ee dalkan Norway ayaa go aan ka gaari doonto inay aqbasho racfaanka ninkan soomaaliga ah, kahor inta aysan u fadhiisan dhageysiga dacwada racfaanka ka dhaxeeyo qareenka ninkan iyo dacwad oogayasha dowlada.

Maxkamada darajada sadexaad ayaa dheereysay mudada uu ninka kusii jirayo xabsiga kumeel gaarka ah, iyaga oo sheegay iney ka cabsi qabaan inuu wadanka ka baxsado, iyo inuu mar kale ku kaco fal kan hada loo xukumay oo kale ah.

Xigasho/kilde: Ringsaker Blad

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments