Dowlada Norway ayaa sanadkan sheegtay inay xeryaha qoxootiga aduunka kasoo qaadan doonto, isla markaana ay dib u dajin u sameyn doonto qoxooti dhan ilaa 2120 qof. Wasaarada cadaalada iyo soo galootiga Norway, wasiirkana ay ka tahay Sylvi Listhaug ayaa soo saartay war ay ku sheegeyso in qoxooti ay Norway soo qaadan doonto ay ka imaan doonaan wadamadan:
-
1000 qof oo qoxooti ah oo kasoo jeedo dalka DEM. REP. of Kongo , kuna dhaqan dalka Uganda. S. Listhaug ayaa isbuucyo kahor booqasho ku tagtay xeryo qoxooti oo kuyaal dalka Uganda.
-
700 oo qoxooti Siiriyaan ah, kuna sugan dalka Urdun ama Jordan.
-
300 oo qoxooti liibiyaan ah.