FRP oo raba inay soo min-guuriyaan soo jeedin ay la timid dowlada Denmark oo ku aadan caruurta dhaqan-celinta loo diro.

0
139

Dowlada Denmark ayaa isbuucyo kahor soo jeedisay in xabsi lagu ciqaabo waalidka ilmahooda dib ugu celiyo wadankii ay asal ahaan kasoo jeedeen, iyada oo uusan ilmuhu raali ka aheyn. Arintan ayaa timid kadib dood xili dheer socotay oo salka ku heysay caruurta dalkaas ku dhalatay ama ku kortay ee waalidkood ay dib ugu celiyaan wadamadii ay kaso jeedeen, lana geeyo dugsi quraan, qaarkood ay sheegeen inay jirdil kula kulmeen.

Xisbiga FRP ee dalkan Norway ayaa dhankooda u riyaaqay qorshaha dowlada Denmark, waxeyna sheegeen inay jeclaan lahaayeen in qorshe noocaas oo kale ah laga hirgaliyo Norway.

Jon Helgheim oo afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga FRP ayaa NRK u sheegay in la joogo xiligii laga hadli lahaa, ficilada ay waalidku ilmahooda ugu diraan wadamo kale. Wuxuuna sheegay in masuuliyad daro ay tahay in ilmaha laga qaado fursad uu wadanka kula qabsan lahaa.

Karin Andersen: Halag fakaro waxa ilmaha u fiican

Karin Andersen oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka dalkan Norway, kana mid ah xisbiga SV ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo wax walba oo dadka ajnabiga ah ee Norway kunool ka dhigaya, second-class citizens. 

Iyada oo raacisay inay muhiim tahay in laga fakaro waxa ilmaha u fiican, waxeyna sheegtay in ilmuhu ay u baahanyihiin xiriirka waalidkood, hadii xabsi lagu ciqaabana ay saameyn ku yeelan karto ilmaha. Xildhibaanadan ayaa sheegtay in soo jeedinta ka timid dowlada Denmark aysan aheyn xalka arintan.

Xigasho/kilde: NRK

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments