Erna Solberg oo aqalka cad kula kulantay Donald Trump.

0
106

Reysulwasaaraha dalkan Norway Erna Solberg ayaa maalintii shaley aheyd aqalka cad kula kulantay madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump. Booqashada ay Solberg ku joogto Mareykanka ayaa ah mideedii ugu horeysay, tan iyo intii uu xilka la wareegay Trump, waxeyna aheyd mid aad looga hadalhayo warbaahinta dalkan Norway.

Sanad kahor markii uu doorashada madaxtinimo ku guuleystay Trump, waxaa soo baxday shaki weyn oo ku aadan siyaasada arimaha dibada ee Trump, waxaana jirtay wel-wel soo wajahay wadamo ay Norway kamid tahay, kuwaas oo milatari ahaan ku taagsan cududada Mareykanka iyo Gaashaanbuurta Nato.

Trump ayaa amaan ugu qubeeyay Norway, wuxuuna sheegay inuu ganacsi balaaran ka dhaxeeyo Norway iyo USA. Sidoo kale wuxuu shirka jaraa’id ee uu la qabtay Solberg uu ku sheegay inay jiraan malaayiin Mareykan ah, kuwaas oo asal ahaan ku abtirsada dalka Norway.

Solberg ayaa dhankeeda muujisay sida ay ugu niyad qabowsantahay soo dhaweynta loogu sameeyay aqalka cad, waxeyna ku cel-celisay in USA ay tahay wadanka uu xiriirka ugu wanaagsan kala dhaxeeyo Norway.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments