Wasiirada soo galootiga Denmark oo lagu dhaganyahay.

0
90
wasiirada arimaha soo galootiga Denmark

Wasiirada soo galootiga dalka Denmark Inger Støjberg ayaa maanta hortagtay gudi hoosaadka arimaha ajnabiga ee baarlamaanka Denmark, si su aalo looga weydiiyo arimo ku saabsan dad soo galooti ah oo laga tarxiilay dalka Denmark.

Baarlamaanka ayaa wasiirada wax ka weydiiyay sababta ay dowladu u tarxiishay nin xanuunsanaa, kaas oo aan xanuunkiisa lagu daaweyn karin wadankiisii hooyo ee loo tarxiilay.

Wasiirada ayaa lagu eedeynayaa inay jabisay qaraar ay maxkamada xuquuqul insaanka Yurub kasoo saartay xukunka kiis noocaas oo kale ah, waxaana ay maxkamadu go’aamisay in qofka xanuunsan aan loo tarxiili karin wadnakiisa.

Wasiirada soo galootiga dalka Denmark ayaa loo badinayaa in shaqada laga ceyrin doono, maadaama aysan jawaabo fiican ka bixin su aalihii maanta baarlamaanka laga horweydiiyay.

Sidoo kale baarlamaanka ayaa dowladu ku amray inay soo helaan xiriirka todobo qof kuwaas oo dalka Denmark laga tarxiilay, iyada oo uu mugdi ku jiro qaabka loo tarxiilay.

Waxaa sidoo kale la goaamiyay in la helo system iyo nidaam cusub oo lagula socdo dadka wadankoodii loo tarxiilayo.

Xigasho/kilde: Politiken.no

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments