fredag, mars 29, 2024

Qarixii Zoobe kadib, sidee ayay UDI-du u aragtaa xaalada amni ee magaalada Muqdisho?

Hey´ada socdaalka, jinsiyidaha iyo agaasinka soo galootiga dalkan Norway ee UDI-da ayaa mudo sanad iyo bar kahor ah sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyada 1600 qof oo soomaali ah, kadib markii ay sheegtay inay soo hagaagtay xaalada amni ee magaalada Muqdisho.

14-kii bishii lasoo dhaafay ee October, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qarixii ugu weynaa abid ee taariikhda Soomaaliya, waxaana qaraxaas ku nafwaayay in ka badan 350 qof, halka 500 oo kalena ay ku dhaawacmeen. Qaraxan ayaa kusoo aaday xili wadamo badan oo reer galbeedk ah ay sheegaan in Muqdisho ay tahay meel nabad ah, isla markaana lagu celin karo qoxootiga soomaaliyeed ee wadamada Yurubta galbeed ku sugan.

Sidoo kale xaalada deegaamada ku hareereysan magaalada Muqdisho ayaa baryihii ugu danbeysay laga soo sheegayay weeraro toos ah oo ay kusoo qaadeen dagaalyahanada Al shabaab. Isbuuc kahor ayay Al shabaab saacado kooban la wareegeen gacan ku heynta degmada Afgooye oo 30 KM ujirto magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kahor inta aysan dib uga saarin ciidamada dowlada ee SNA.

Qaraxaas saameyn maku yeelan karaa qiimeynta UDI-da.

Waxaan su´aal ku saabsan sida ay UDI-du u aragto xaalada amaan ee Muqdisho, kadib qarixii Zoobe aan weydiinay laanta UDI-da u qaabilsan ka shaqeynta kiisaska la xiriira qiimeynta magangalyada. Waxaana su´aalnay in qaraxaas weyn iyo weerarada kale ee Al shabaab ee beryihiin ugu danbeeyay ay wax saameyn ah ku yeelan karaan qaabka ay UDI-du u qiimeyneyso xaalada amaan ee Muqdisho.

Pernille Schulerud Søland oo katirsan UDI-da ayaa NorSom News sidan ugu jawaabtay:

Waa sax sida aad sheegtay wuxuu ahaa qarixii argagaxiso ee ugu weynaa ee aan aragnay oo Soomaaliya ka dhaca, iyo waliba qaarada Afrika guud ahaan. Wuxuuna ahaa mid aad uga weyn kuwii aan horey u arki jirnay, laakiin wali waxaan fiirineynaa, qiimeyna aan ku wadnaa xaalada guud iyo sida ay wax noqon doonaan.

Waxey raacisay: Wax badan kama soo wareegin xiligii uu qaraxa dhacay, sidaas darteed wey adagtahay inaan jawaab cad kaa siiyo in arintas ay saameyn ku yeelan karto qiimeynteena ku saabsan xaalada amni ee Muqdisho iyo inkale. 

Pernille ayaa sidoo kale NorSom News u sheegtay in dhawaan magaalada Muqdisho ay tageen dad ka socdo waaxda UDI-da u qaabilsan qiimeynta iyo uruurinta xogta wadamada ee Landinfo. Iyada oo cadeysay inay mar walba la socdaan xaalada guud ee magaalada Muqdisho, ayna ka warhayaan waxyaabaha soo kordha, sidoo kalena ay jiraan ilo ay xogaha ka helaan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x