KRF: Erna Solberg ha ilowdo inay isku hesho KRF, Venstre iyo Frp

0
104
Gudoomiyaha KRF:Knut Arild Hareide

Reysulwasaaraha dalkan Norway, ahna gudoomiyaha xisbiga Høyre ayaa markale ku celisay   inay rabto in xisbiyada afarta ah ee midigta ay mideyso, isla markaana ay dowlada wada dhistaan. Erna ayaa sheegtay in afartii sano ee lasoo dhaafay ay adkeyd mideynta iyo wada-shaqeynta xisbiyadaas(Høyre, Frp, KRF, Venstre) laakiin aysan iyada wali ka rajo-dhigin in xisbiyadaas ay afar sano oo cusub markale talada wadanka wadaagaan.

KRF: Erna ha ilowdo. 

Xisbiga KRF ayaa dhankooda sheegay inaysan qorshaha ugu jirin la shaqeynta xisbiga midigta fog ee Frp, waxeyna sheegeen inay rabaan kaliya inay la shaqeeyaan Høyre iyo Venstre. Go´aankaas ay gaareen shirkoodii qaran ee sanadkan.

KRF ayaa sidoo kale horey u sheegay in hadii ay dantu saamaxdo ay u furanyihiin inay la shaqeeyaan xisbiyada bidixda ee uu Ap hogaaminayo.

FRP ayaa dhankooda sheegay ineysan taageeri doonin dowlada ay wasiiro ku laheyn.

Venstre laftirkooda waxey wali ka caga-jiidayaan la shaqeynta FRP, waxeyna sheegeen inay doorbidayaan la shaqeynta KRF iyo Høyre.

Lama garan doono qaabka ay Erna Solberg ku awoodi doonto xisbiyadan isdiidan, waxeyna taas shaki weyn galineysaa jaaniskeeda inay mar labaad sii fadhiso kursiga reysulwasaaraha Norway.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments