Wasiirka deegaanka: Codadka doorashada waa in gacan lagu tiriyaa.

0
155
Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka Norway: Jan Tore Sanner Foto: Wikipedia

Wasiirka deegaanka dalkan Norway, Jan Tore Sanner(Høyre) ayaa dalbaday in codadka doorashada lagu tiriyo gacan, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in systemk-ka tirinta codadka ee online-ka uu yahay mid la xadi karo, isla markaana ay dhici karto inuu weerar lagu soo qaado.

Gacan ku tirinta codadka doorashada ayaa keeni karto in wax xoogaa ay dib u dhacdo natiijiada doorashada, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn, sida Oslo.  Wasiirka ayaa sheegay inay muhiim tahay kalsoonida ay dadku ku qabaan nidaamka doorashada, sidaas darteed ay xiriir joogto ah la sameyn doonaan laamaha amaanka dalkan Norway, sida hey´ada sirdoonka ee PST iyo hey´ada amaanka guud ee dowlada(NSM).

Codadka ayaa marka gacan lagu tiriyo kadib loo diri doonaan mashiin mar kale dib u tirin doono, si looga feejignaado qalad dhaca, sida uu sheegay wasiirka deegaanka.

Wargeyska VG iyo TV-ga qaranka Norway ee NRK ayaa maalmo kahor banaanka keenay in nidaamka online-ka ah ee doorashada uu yahay mid u dayacan weerar ku imaan kara tirinta codadkad doorashada.

PST ayaa dhankooda sheegay ineysan ilaa hada jirin wax cadeyn kara in weerar lagu soo qaadi doono tirinta codadka doorashada, laakiin ay muhiim tahay in laga feejignaado wax walba oo arintaas keeni kara.

Dalalka galbeedka aya wel-wel aad u badan ka qabo in weerar dhinaca online-ka lagu soo qaado tirinta codadka doorashada madaxtinimo, si wax looga badalo natiijada. Waxeyna cabsidaas bilaabatay sanadkii 2016, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in sirdoonka Ruushka uu lug weyn kulahaa guuleysigii uu Donald Trump ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee USA.

Xigasho/kilde: NRK.NO

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments