Giriiga oo diiday inuu qaabilo qoxooti Norway laga soo celin lahaa

0
222

Dowlada Giriiga ayaa diiday inay qaabisho 5 kamid 20 qof oo qoxooti ah, kuwaas oo dowlada Norway ay rabtay in iyada oo cuskaneyso xeerka Dublin ay ku celiso dalka Giriiga.

Andreas Doulos oo katirsan waaxda socdaalka Giriiga ayaa wargeyska Nettavisen ee dalkan Norway u sheegay inay diideen qaabilaada 5 qof oo laga soo celin lahaa Norway, ayna sidoo kale qiimeynayaan kiisaska 15-ka qof ee kale. 20-kan qof ayaa wali ku sugan dalkan Norway.

Wasaarada dastuurka ayaa UDI-da horey amar ugu siisay inay soo celiso qorshaha dib u celinta qoxootiga faraha ku leh dalka Giriiga, inkasta oo lasoo sheegayo in Giriigu uu la tacaalayo 60.000 oo qoxooti kuwaas oo dalkiisa hada ku sugan.

Giriga ayaa sidoo kale horey u diiday inay qaabilaan qoxootiga faraha kuleh dalkaas ee laga soo celiyo Germany.

Xigasho/kilde: Nettavisen/ntb,    ABC-NYHETER

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments