UDI: Boolisku ma cusbooneysiin karaan warqadaha safarka iyo magangalyada kumeel gaarka ah

0
142
Foto: Politiet

Sida ku xusan wareegto qoraal ah oo ay UDI-du u dirtay laamaha booliska dalkan Norway(hoos ka akhri qoraalkaas), ayay mar kale ku sheegtay inay usoo gudbiyaan kiisaska dadka Soomaaliyaa iyo Srilanka kasoo jeedo ee raba inay codsadaan degenaanshaha rasmiga ah, isla markaana magangalyo kumeel gaarka helay wixii ka horeeyay bishii October ee sanadkii 2014.

Wareegtadan oo soo baxday maalintii shaley aheyd ee isniinta ayay kaga hortimid war horaan usoo baxay, kaas oo ku aadan in boolisku ay cusbooneysiin karaan waraaqaha safarka iyo magangalyada kumeel gaarka ah ee dadka jawaab sugayaasha ah.:  UDI-da ayaa qoraalkeedan ku sheegtay in boolisku aysan cosbooneysiin karin waraaqaha safarka(reisebevis) iyo magangalyada kumeel gaarka ah ee dadka codsaday degenaanshaha isla markaana aan wali jawaab ka celin codsgiooda.

Amarkii hore ee wasaarada dastuurka Norway

Arintan ayaa kusoo aadeyso xili isbuucyo kahor ay wasaarada dastuurka dalkan Norway ay UDI-da iyo booliska fasax u siisay inay cosbooneysiin karaan waraaqaha safarka iyo magangalyada kumeel gaarka ah ee dadka lagala maqanyahay jawaabta degenaanshaha.

wasiirada soo galootiga dalkan Norway ayaa sidoo kale UDI-da ku canaanatay inay la gacan daaheen ka shaqeynta kiisaska dadka sugayo jawaabta, waxeyna ku amartay inay muhiimad gaar ah siiyaan kiisaskaas. UDI-da ayaa dhankooda sheegay inay isku dayayaan inay xaqiijiyaan kiiska qofka, kahor inta aysan gaarin go´aanka kama dambeysta ah, taasna ay keeneysi in waqti badan ay ku bixiyaan hubinta kiiska qofka.

Sida uu wargeyska Vårtland qoray isbuucyo kahor, UDI-da ayaa ilaa hada magangalyada si rasmi ah ugala noqotay labo qof oo kali ah, halka 120 qof loo diray digniin sharci kala noqosho. Iyada oo dhanka kalena ay 80 qof heleen degenaansho rasmi ah, kadib markii ay kasoo jawaabeen waraaqihii digniinta.

Xigasho/kilde: UDI-REGELVERK 1 IYO UDI-REGELVERK 2(HALKAN AKHRISO)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments