16-jirkii ka danbeeyay dilka Yacquub iyo Tone oo xukunka loo qafiifiyay

0
160

Waxaa maalmahan maxkamada darajada labaad ee gobolka Agder ka socotay racfaanka xukunka ay maxkamada Kristiansand ku xukuntay 16-jirkii norwiijiga ahaa ee ka danbeeyay A.U.N dilka Yacqub Abdullahi Hassan iyo Tone Ilebekk.

Maxkamada darajada sadexaad ee Kristiansand ayaa 16-jirkan ku xukuntay 11 sano oo xukun xabsi ah, iyo in marka uu xukunka soo dhameysto mar labaad dib u qiimeyn lagu sameeyo in bulshada lagu sii dhexdaayo iyo inkale. Qareenka 16-jirkan ayaa racfaan ka qaatay xukunkaas, isaga oo sheegay inuu yahay xukunkii ugu adkaa ee abid lagu xukumo qof dhalinyaro ah dalkan Norway.

Maxkamada darajada labaad ee gobolka Agder ayaa dhageysiga racfaanka kadib, mar labaad 16-jirkan ku xukuntay 11 sano oo xabsi ah, balse waxey ka qafiifisay xukunkii ahaa in marka uu soo dhameysto mudada xabsiga mar labaad dib u qiimeyn lagu sameeyo inuu amniga dadweynaha khatar ku yahay iyo inkale.

Qareenka gacan ku dhiiglaha ayaa maxkamada ka rajeynayay in lagu xukumo 9 sano, balse maxkamada ayaa diiday codsigiisa. 16-jirkan ayaa intii ay socotay maxkamada racfaanka sheegay inuu aad uga qooma-meynayo falkii dilka ahaa ee uu geystay.

Xigasho: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments