EU-da oo Norway ka codsatay inay qaabisho qoxooti cusub: Listhaug oo….

0
130

Midowga Yurub ayaa dowlada Norway iyo dowlado kale oo Yurub ah ka codsaday inay qaabilaan, isla markaana ay dib u dejin u sameynayaan dad qoxooti ah oo laga soo qaadi doono xeryaha qoxootiga. Dimitris Avramopoulos oo ah u qeybsanaha midowga Yurub u qaabilsan arimaha qoxootiga, ayaa warqad codsi ah usoo diray wasiirada soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug.

Listhaug oo ka jawaabeyso codsiga EU-da ayaa sheegtay in xiligan aysan suurtogal aheyn in Norway ay qaabisho qoxooti cusub, isla markaana inay jiraan wadamo kale oo ay haboon tahay inay qoxooti cusub qaabilsaan.

Listhaug ayaa sheegtay inay Norway qaadatay kumanaan qoxooti ah dhowrkii sano ee ugu danbeeyay, isla markaana ay Norway ka mid tahay wadamada dib u dejinta u sameeyay qoxootiga ugu badan, marka loo eego tirada dadka degan Norway. Iyada oo raacisay in Norway ay hortaalo shaqo ah sidii dadkaas loo dhexgalin lahaa bulshada inteeda kale.

Dadka magangalyada soo weydiisto Norway ayaa aad u dhacay tiro ahaan labadii sano ee ugu danbeeyay, balse waxaan wali isbadalin fikirka siyaasiyiinta Norway ee soo galootiga.

Xigasho/kilde: Nettavisen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments