Hey´ada wadomarista: Suunka busska xiro ama 1500 NOK sii diyaarso

0
210

Hey´ada wadooyinka ee Vegvesen ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay inay baaritaan adag ku sameyn doonto in dadku ay xirtaan suunka busska iyo inkale. Baaritaankaas ayay hey´adaas sheegtay inay ka sameyn doonto dalka oo dhan.

Dad gaaraya 9 qof oo labadii sano ee ugu danbeeyay ku geeriyooday shil gaari ayay Vegvesen aaminsantahay inay badbaadi kareen, hadii ay xirnaan lahaayeen suunka busska.

Shilalka busaska ayaa badanaa ah kuwo ka khatar badan shilalka baabuurka caadiga ah. Waxeyna hey´adaas sheegtay in hadii uusan qofku suunka xirneyn ay sii sadex jibaarmeyso khatarta shilkaas uu ku keeni karo qofka ama dadka kale ee busska la saarin.

Vegvesen ayaa sheegtay in hadii ay qabtaan qof ama darawal aan xirneyn suunka busska ay ku ganaaxi doonaan 1500 NOK. ilaa 234 ayaa sanadkii hore lagu ganaaxay suun xirasho la´aan.

Xigasho/kilde: NTB/HA

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments