Reysulwasaaraha Denmark: Dadka Copenhagen ka dhex tuugsada, halagu xukumo 2 isbuuc oo xabsi shuruud la´aan ah

0
109
Reysulwasaaraha Denmark: Lars Løkke Rasmussen

Reysulwasaaraha dalka Denmark, Lars Løkke Rasmussen ayaa soo jeediyay in labo isbuuc oo xabsi shuruud la´aan ah lagu xukumo dadka ka dhex tuugsado magaalada caasimada ah ee Copenhagen, kuwaas oo  uu sheegay inay khal-khal amni daro ka abuuraan magaalada.

Hadalka Lars Løkke Rasmussen ayaa yimid, kadib markii duqa magaalada Copenhagen uu dowlada ka codsaday inay wax ka qabato arinta dadka magaalada ka dhex tuugsado ee kasoo jeedo qowmiyada Roomiyaanka(Romfolk/jipsiga), kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato xaga amniga ah ku hayaan magaalada.

Wuxuu tusaale usoo qaatay dadka seexda jidadka magaalada oo uu sheegay inay cabsi iyo khal-khal xaga amaanka ah ku hayaan dadweynaha magaalada.

Reysulwasaaraha Denmark ayaa asaga oo codsiga duqa Copenhagen ka jawaabayo sheegay, inuu raba in la laba jibaaro xukunka xabsiyeed oo ay muteysan karaan dadka magaalada ka dhex tuugsado, oo uu qiray inay dhibaato amni ku hayaan magaalada.

Xigasho/kilde: TV2.NO, NTB

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments