tirsdag, april 23, 2024

Hassan Kheyre: Waxaan ahay soomaaligii ugu horeeyay ee Trikk ku wado Norway

Wargeyska ka warama arimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Dagens Næringens Liv, ayaa xafiiskiisa ku booqday, warbixina dheer oo 10 bog gaareysana kasoo diyaariyay reysulwasaaraha Soomaaliya, Hassan Ali kheyre oo reer Norway ah. DN ayaa cadadkiisa maanta qeybta Magazinka, kusoo daabacay warbixinta Kheyre.

Kheyre ayaa DN uga waramayay noloshiisii hore ee Soomaaliya kahor inta uusan Norway qoxootinimo kusoo galin sanadkii 1989, bilowgii noloshiisa Norway ilaa heer jaamacadeed, iyo markii danbe oo uu madax ka noqday heyáda NRC laanteeda bariga Afrika.

Kheyre ayaa sheegay inuu ahaa soomaaligii ugu horeeyay ee Norway ka noqdo darawalka Trikk(tareen-yaraha Oslo ka dhex shaqeeya), isaga oo sidoo kale macalin ka ahaa iskuulka Urienborg Oslo, kana soo shaqeeyay maamulka xaafada Grünerløkka ee Oslo, qeybteeda guryaha. Wuxuu sidoo kale ahaa gudoomiyihii ugu horeeyay ee ururka ardeyga soomaaliyeed ee Norway(Somalisk studentforening, ssf).

Jaamacada Oslo waxaan ka bartay statsvitenskap(cilmiga siyaasada) iyo sosiologi(cilmiga bulshada), waxaana qeyb ka noqday koox ardey soomaali ah oo markaas ardey ka ahaa jaamacada Blindern Oslo. Kadib waxaan waxbarasho dheeri ah oo hogaaminta ku saabsan aan ka qaatay jaamacada Edinburgh Scotland.

Kheyre ayaa wareysiga uu DN siiyay waxbadan uga hadlay xaalada Soomaaliya ee hada iyo sida uu rajeynayo inuu wax uga qabto xaaladaha amaan, dhaqaale iyo horumarineed ee Soomaaliya.

 

Xigasho/kilde: Hadii xiiseyneyso inaad wax badan ka ogaato taariikhda Kheyre iyo waxa uu rajeynayo inuu Soomaaliya ka qabto, waxaan kugu talin laheyn inaad soo iibsato cadadka Dagens Næringens Liv ee maanta(3-6-2017).

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x