Soomaaliya oo 26 sano kadib kamid noqotey shir guddoonka hay’adda WHO

0
110

Mudo 26 sano kadib ayaa Soomaaliya markii u horeysey, ay  kamid noqdey dalalka codka kuleh hay’adda caafimaadka aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobey  ee WHO, kadib shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Geneva ee lagu doortey Agaasimaha cusub ee WHO.

Dowladii hore ee Soomaaliya ayaa bixisey qaaramaadkii ay ku lahayd WHO iyo hay’ado kale oo caalami ah, taas oo fududeysey in Soomaaliya mar kale dib u soo ceshato codkii ay ku lahayd WHO.

Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Fawsiya Abiikar Nuur, ayaa sheegtey in ay dalabadeen in ay kamid noqdaan shirguddoonka hay’adda WHO, taas oo suurta gashey in Wasiirku kamid  noqoto shirguddoonka.

[adsenseyu2]

“….Soomaaliya waxaa soo jeedisay in ay ka mid noqoto shir guddoonka sare ee hay’adda gobolka aan ka tirsan nahay ee fadhigeedu yahay dalka Masar, shirka markii loo soo jeediyayna si aqlabiyad ah ayaa lagu ogolaaday…” ayeey tiri Fawsiya Abiikar mar ay waraysi siineysey VOA.

Markii u horeysey taariikhd ayaa loo doortay madaxa guud ee hay’adda WHO in uu noqdo qof ka soo jeeda qaarada Afrika waxaana loo doortey wasiirkii hore ee caafimaadka Itoobiya, marna noqdey wasiirka arrimaha dibadda Dr. Tedros Adhanom.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments