Ohio: Hooyo soomaali ah oo kooxo xagjir ah oo si xun ugu jirdaleen magaalada Columbus

0
182

Sida ay qorayaan warbaahinta soomaalida qaarkeed, hooyo Soomaaliyeed ayaa waxaa soo gaaray nabaro waaweyn oo qaarkood ay ka muuqdaan wajigeeda, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen kooxo xagjir muslim neceb ah. Hooyadan soomaalida ah ayaa xiliga jirdilka loo geystay isku dayeysay inay difaacdo qof kale oo soomaali ah oo kooxdaas xagjirka ah ay weerar ku qaadeen.

Weerarka Hooyadan soomaaliyeed ayaa noqonayo kii labaad oo mudo isbuuc gudaheed ah lagu qaado haweeney soomaali ah dalka Mareykanka.

Booliska ayaa sheegay ineysan soo qaban falkan arxan darada ah ee loo geystay hooyadan soomaaliyeed, xili ay soomaneyd.

Baraha bulshada ee soomaalida Mareykanka iyo wadamada qurbaha, ayaa maanta waxaa  aad looga hadalhayay weerarkaas lagu qaaday hooyadan soomaaliyeed.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments