Qaar kamid ah soomaalida Denmark oo Norway kusoo wajahan, si ay ula kulmaan Hassan Kheyre

0
168

Isbuucan dhamaadkiisa waxaa dalkan Norway booqasho rasmi ah ku imaan doono reysulwasaaraha Soomaaliya, Hassan Ali Kheyre oo ka qeybgali doono shir caalami ah oo looga hadli doono amaanka caalamka, isla markaana kulamo la qaadan doono reysulwasaaraha Norway iyo qaar kamid ah wasiiradeeda.

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid jaaliyada soomaaliyeed ee Denmark, waxaa magaalada Oslo kusoo fool leh boqolaal kamid ah soomaalida Denmark , kuwaas oo raba inay cabashada jaaliyada soomaaliyeed ee Denmark gaarsiiyaan wafdiga dowlada federalka ah ee uu hogaaminayo Hassan Ali Kheyre.

Soomaalida Denmark ayaa waxaa sanadadii ugu danbeeyay soo wajahay dhibaatooyin badan oo xaga sharciyada ah, kadib markii dowlada dalkaas ay soo saartay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyada 800 oo qoxooti soomaali ah. Warbaahinta Denmark ayaa bilihii ugu danbeeyay si isbuucle ah uga hadli jirtay dhibaatada xaga sharciyada ah ee soo wajahday soomaalida dalkaas.

Dhowr bilood kahor ayay soo baxday in wafdi ka socdo dowlada Federalka ah ee Soomaaliya oo dalkaas booqasho ku tagay, ay heshiis dib u celin qarsoodi ah oo afka ah la galeen xukuumada dalka Denmark. Wuxuuna heshiiskaas gundhig u noqday goáanka dowlada Denmark ee ku aadan dib u qiimeynta sharciyada magangalyada boqolaal soomaali ah.

[adsenseyu2]

Si lamid ah Denmark, waxaa iyadana la filayaa inay Norway soo gaaraan qaar kamid ah jaaliyadaha soomaaliyeed ee wadamada Sweden, Finland, U.K, Germany iyo Austria. Dadkan ayaa isugu jiro kuwo raba inay ka qeybqaataan soo dhaweynta wafdiga reysulwasaaraha iyo dad kale oo raba inay cabasho iyo codsi gaarsiiyaan wafdiga reysulwasaaraha.

Dalkan Norway, waxaa magaalada Oslo laga dareemayaa hadalheynta socdaalka wafdiga reysulwasaare Hassan Ali Kheyre.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments