Trondheim: Xaalada gabadhii ku dhacday hoolka dabaasha oo aad uga soo roonaatay

0
110
Foto: Trondheim-Kommune.no

Sida uu qoray wargeyska Adressavisen oo soo xiganayo isbitaalka ST.Olavs Plass iyo booliska magaalada Trondheim, waxaa aad uga soo roonaatay xaalada gabadhii 13-jirka soomaalida aheyd ee isbuuc kahor laga soo helay qeybta hoose ee biyaha hool lagu dabaasho.

Geir Bakkhaug oo ah madaxa baaritaanada saldhiga Hiemdal ee Trondheim, ayaa Adressavisen u sheegay in gabadhu uu hada miyirkeedu joogo, isla markaana ay iskeed u neefsaneyso.

13-jirkan soomaalida ah iyo fasalkeeda ayaa hoolkaas uga tagay, si ay ugu qaataan xiisad dabaal ah, sida ay sheegeen booliska Trondheim.

Gabadhu ma eysan aqoon qaabka loo dabaasho:

Booliska Trondheim ayaa wali wado baaritaanka dhacdada ay gabadhan ugu dhacday biyaha, iyaga oo aan wali soo saarin warbixin rasmi ah oo ku saabsan qaabka ay wax u dhaceen.

Waxeyna sheegeen ineysan ilaa hada jirin cid markaahti ah oo arkeysay marka ay gabadhu biyaha ku dhacday inkasta oo ay goobta joogeen dad badan. Balse waxey raaciyeen inay wali wadaan baaritaanka oo aysan wali soo afmeerin. Booliska ayaa rajo ka qabo in gabadha marka xaaladeedu ay soo roonaato ay warbixin ka bixiso qaabka ay wax u dhaceen.

Booliska Trondheim ayaa sidoo kale sheegay in gabadhu aysan aqoonin qaabka loo dabaasho, hoolka dabaasha loo geeyay si ay ugu soo qaataan xiisad dabaal ah oo uu fasalkeedu halkaas ku lahaa.

Maamulaha iskuulka ay gabadhu dhigato ayaa diiday inuu arintan ka warbixiyo, ilaa boolisku ay soo dhameynayaan baaritaankooda.

Xigasho/kilde: Adressa.no

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments