Kheyre oo Norway booqasho rasmi ah ku imaan doono, lana kulmi doono Erna Solberg

0
159
Foto: Somali PM Twitter

Reysulwasaaraha dowlada federalka ah ee Soomaaliya, Hassan Ali Kheyre ayaa dhamaadka isbuuca soo socdo booqasho rasmi ah ku imaan  doono dalkan Norway, isaga oo ka qeybgali doono kulan looga hadlayo nabad-galyada aduunka oo ay soo qaban-qaabisay madasha Oslo Forum.

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso ilo ka agdhow xafiiska Reysulwasaaraha, Kheyre ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono dowlada Norway, gaar ahaan wasiirka arimaha dibada, Børge Brende reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg iyo wasiiro kale oo katirsan xukuumada Solberg.

Kheyre waxaa wafdigiisa kamid ah wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Jamaal Maxamed Xasan.

Imaanshaha Kheyre ee Norway ayaa noqon doono kii ugu horeeyay ee uu kusoo gaaro wadamada Galbeedka, ahna kii labaad ee uu u baxo inta uu hayay xilka reysulwasaaraha. 

Jaaliyada soomaaliyeed ee Norway iyo guud ahaan wadamada Scandanevianka ayaa si weyn isugu diyaarinayo soo dhaweynta wafdiga reysulwasaare Kheyre, iyada oo Oslo laga dareemayo u diyaar-garowga soo dhaweynta wafdiga dowlada Soomaaliya.

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments