Xog+Sawiro: Muxuu ku saabsanaa safarkii wasiir kux. Wasaarada Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya ee dalkan Norway

1
203
Maxamud Cabdulqaadir: Wasiir ku xigeenka wasaarada macdanta Soomaaliya iyo Tone Skogen: Xoghayaha wasaarada arimaha dibada Norway

Sida aan soo qornay dhowr maalmood kahor, waxaa dalkan Norway booqasho aan la shaacin ku yimid wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya, gaar ahaan wasaarada macdanta iyo Batroolka.

Wafdigaas oo ka koobnaa afar qof, ayaa waxaa hogaaminayay wasiir ku xigeenka wasaarada macdanta iyo Batroolka dowlada Soomaaliya, Maxamuud Cabdulqaadir Warsame(sawirka kore), waxaana safarkiisa ku weheliyay ingineero iyo qareeno.

Dowlada Soomaaliya, gaar ahaan wasaarada batroolka iyo macdanta, wax war ah oo cad kama saarin safarkaas( ilaa hada inta aan ognahay) iyo waliba waxa uu ku saabsanaa. Sidoo kale NorSom News ayaa wasaarada u dirtay e-mail/warqad, si ay nooga soo jawaab-celiyaan su´aalo ku saabsan ujeedada safarka wafdigaas ee dalkan Norway, kaas oo jaaliyada soomaaliyeed ee Norway ay aad u xiiseynayaan wax ka ogaanshihiisa.

Inkasta oo safarkaas uu ahaa mid aan la shaacin oo laga qariyay indhaha bulsho-weynta, gaar ahaan jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, hadana wasiir ku xigeenka wasaarada macdanta iyo batroolka dowlada Soomaaliya, ayaa bartiisa internetka ee Facebooga soo dhigay sawiro iyo qoraalo uu ku cadennayo inuu Norway u yimid arimo shaqo oo la xiriiro siyaasada shidaalka ee dowlada Soomaaliya.

Wuxuuna sidoo kale Facebooga soo dhigay sawir uu la sawiranyahay Tone Skogen(sawirka kore) oo katirsan wasaarada arimaha dibada ee Norway, qaabilsana arimaha horumarinta iyo dalalka soo korayo. Tone Skogen ayaa sidoo kale kamid aheyd wafdigii dowlada Norway ku matalayay shirkii London ee loo qabtay Soomaaliya, iyada oo bil kahorna Washington kula kulantay wasiirka maaliyada Soomaaliya, Dr. Abdirahman Duale Beyle. 

[adsenseyu2]

Wasiir ku xigeenka ayaa qoraalada uu soo dhigay barta Facebooga, waxaa kamid ah qoraal uu ku sheegayo inuu si guul ah ugu usoo gabo-gaboobay kulan wadahadal ah, kaas oo ku saabsan hordhaca documentiga siyaasada shidaalka Soomaaliyeed.

Norway iyo U.K(Soma Oil& Gas):

Sida aan kasoo xiganay dad xog ogaal ah oo dowlada Soomaaliya ka agdhow, qaarkoodna ay xilal kasoo qabteen dowlada dhexe ee Soomaaliya, waxaa hada gabo-gabo marayo mashruuc ay si wadajir ah u wadaan dowladaha Norway iyo U.K, kaas oo ku saabsan sidii dowlada Soomaaliya loogala shaqeyn lahaa diyaarinta shuruucda/xeerarka iyo siyaasada shidaal-soo saarista, si shirkadaha shisheeye ee caalamiga ah ay ugu dhiiradaan inay Soomaaliya shidaal ka baaraan, qodaan, soona saaraan. Waxaana mashruucaas hormuud u ah, lacagta ugu badana ku bixineyso shirkada Soma Oil& Gas, taas oo uu agaasime ka ahaan jiray Hassan Ali Kheyre oo hada ah reysulwasaaraha dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasaarada macdanta iyo shidaalka Soomaaliya ayaa dhowr mar oo kala duwan, waxaa lagu xusay inay kamid aheyd wasaaradaha ugu shaqada badan, xiligii dowlada Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud, iyada oo marar badan seminaaro kala duwan oo caalami ah loo qaaday shaqaalaha wasaarada. Mid kamid ah seminaaradaas waxaa lagu qabtay dalkan Norway.

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Ahmed Siyad
Ahmed Siyad
6 years ago

Waa ku mahadsan tihiin Norsom inaad dabagal ku samaystaan suaalana waydiisaan masuuliyiinta Somalida ee shirarka qarsoodiga galiya. Waa horumar ay gaari rabaan wargeysyada soomaalida, iska ilaaliyo nin jeclaysi