torsdag, mars 28, 2024

Wasiirkii arimaha dibada Ethopia oo noqday madaxa WHO

Wasiirkii hore ee arimaha dalka Ethopia, Tedros Adhanom ayaa noqday madaxa cusub ee hey’ada qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO. Tedros oo horey u ahaan jiray wasiirka caafimaadka Ethopia, ayaa noqon doono qofkii ugu horeeyay ee kasoo jeeda qaarada afrika, kaas oo madax ka noqda hey’ada WHO.

Tedros ayaa loolan adag u galay jagadaas uu ugu danbeyn ku guuleystay, waxaana jagadaas kula tartamayay shan qof oo kale. Sidoo kale waxaa jiray eedeymo tiro badan oo loo soo jeediyay Tedros, kuwaas oo ku saabsan falal danbiyeedyo Ethopia ka dhacay intii uu xilalka wasiirno ka hayay dalka Ethopia.

Xigasho’/kilde: Newyork-times.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x