Norwey Intaad Ku Nooshahay Haku Mashquulin Lacag Ee Ku Mashquul Inaad Hesho Cilmi

0
127

Maqaalkaan waxaan ugu talagalay inaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee usoo haajirtay dalkaan Noorwey ku dhiiro geliyo inay noqdaan kuwa cilmiga xoogga saaro, waxaa kalloo muhiim ah inaysan waxbo kuu taraynin lacag aad arruuriso ee waxa wax kuu taraayo waa cilmiga oo marwalbo ku anfici doona illaa aad adduunka ka haajirto. Waxaan ka wada marqaati nahay dhammaanteenna in cilmigu yahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee bini’aadamka ay ku horumari karaan.

Waxaad marar badan maqashay ama maqashaa maah-maahda Nelson Mandela oo ahayd «Education is the most powerful weapon which you can use to change the world» -Nelson Mandela Oo macnaheedu tahay “Waxbarashada waa hubka ugu awoodda badan kaasoo aad u isticmaali karto inaad ku bedesho dunidda” Nelson Mandela.

Hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxay tahay sawabta ama danta aan ka leeyahay maqaalkaan qiimaha leh?

Su’aashaasi jawaabteedda waad fahmi kartaa aqristoow. Wax kale ma ahan ee waxaan rabbaa inaan ku yar tusini karo qiimaha ay leedahay inaad wax barato. Waxaana Illaahay s.w.c lagu mahadiyaa in wakhtiyadaan dambe ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo xoogga saaray siddii ay wax kaga barani lahayeen dalkaan Noorwey, waana shaqo loo baahanyahay inay u kacaan dhalinyaradda. Bulshada marka ay noqdaan kuwa cilmi leh waxay ka baxaan mugdiga. Mugdiga ku habsatay bulshada Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay qabyaaladda, kala qeyb-qeybsanaanta bulshada iyo waxyaabo badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin waxaa keenay waa jahliga ku habsaday bulshada.

[adsenseyu2]

Maxaa keenay innuu yaraado garaadyada, waayeeladda wax laga kororsado, isqab-qabsiga badan ee bulshada iwm? Aqristoow waxkale ma ahan ee waxaa keenay waa jaahilnimadda.

Waayo aragnimada nolosha ay soo marto ayaa ku dhaliso qofka inuu wax badan ka tilmaamo waayo aragnimadaas. Waxaan mudo soo ahaa arday walina waan ahay, waxaana wali rajo kasii qabaa inaan sii ahaani doono arday. Maxaa yeelay nolosha sideedaba waxay u baahantahay in aqoonta iyo cilmiga la raadiyo marwalbo. Cimiga iyo waxbarashada waa shey muhiim u ah guud ahaan nolosha aadanaha.

Waayo aragnimada nolosha ay soo marto ayaa ku dhaliso qofka inuu wax badan ka tilmaamo waayo aragnimadaas. Maxaa yeelay nolosha sideedaba waxay u baahantahay in aqoonta iyo cilmiga la raadiyo marwalbo. Cimiga waa shey muhiim u ah guud ahaan nolosha aadanaha.

Dad badan ayaa ardaynimada ku adagtahay, balse waa dad ku saxan arintaas. Ardaynimada ma ahan wax fudud, laakiin cidwalbo arday wanaagsan wey noqoni kartaa. Mawduuceyga ayaa ah inaan wax yar ka faaloodo waxa ay tahay ardaynimada. Ardaynimada waa shey aad u adag inaad ku noolaato marwalbo.  Qof mudo arday soo ahaa wuxuu yeelanayaa dulqaad aad u sareeyo. Qofka ardayga waxa loogu baahanyahay inuu diyaariyo dhammaan hawlaha laga sugaayo sidda layli, mashruuc la qoraayo, imtixanaadka iyo guud ahaan arin walbo oo ku salaysan oo waajib kugu ah inaad qabato.

Marka horre haddii aad doonayso inaad noqoto arday wanaagsan waxaa wanaagsan inaad ogtahay muhiimada ay kuu leedahay inaad waxbarato. Waxbarashada ma ahan midda kali oo ku ek inaad barato Joqraafi, Saynis, iyo luuqadaha kale ee dunidda laga isticmaalo. Waxbarashada waa nidaam walbo oo ku tusinaayo in maskaxdaada koreyso haddii aad ku guulaysato waxbarashada.

Sideen ku noqoni karaa arday wanaagsan haddii aan ogaaday in waxbarashada qiimo weyn ay ii leedahay? Su’aalahaan oo kale iyo kuwa kale oo lamid ah in maskaxdaada ka guuxayaan ayaa laga yabaa maanta aynu joogto balse waxaan u baahanahay oo kali inaan wada fahano arrimaha inuu gaarga ah ee la xariira nolosheena.

Waxaan kusoo gaba-gabaynayaa, aqristoow qofka aan la hadlaayo waa adiga, qofka aan ka rabo innuu isbedel sameeyo waa adiga, qofka qalbigeyga ku jira oo aan la doonaayo innuu horumar fiican gaaro waa adiga, qofka aan ka rabo innuu horumariyo bulshadiisa waa adiga, qofka aan rajada ka qabo oo aan isleeyahay armuu beri ka maalin cunugaadda wax baraa waa adiga. Adigoo ku mahadsanid waxaan jeclaani lahaa inaad fahanto danta aan u qoraayo maqaalkaan qiimaha leh. Waxkale ma aha nee waxay iga tahay inaan kuu muujiyo inaad tahay shaqsi igu qaali ah. Aniga iyo adigaba muhiimadda jiritaankeenna waxay ku xeranyahay sidda wanaagsan ee aan u gaarno ismaqal iyo wax wada qabsi.

Xigasho: http://www.tukesomalism.com/archives/1694

Haddii aad qabto su’aallo la xariira qoraaladeyda fadlan su’aashaada waxaad iigu soo diri kartaa emailkeyga, waxaan kaaga soo jawaabi doonaa sidda ugu wanaagsan ee ku haboon jawaabtaada. Waxaan kaaga tagayaa guul iyo farxad inaad ku noolaato.

Email: cabduljabaar@gmail.com


Hadii aad rabto inaad khibradaada, aqoontooda, fikirkaaga ama hamigaagada la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee kunool wadamada Sweden, Denmark iyo Norway, waxaad qoraalkaada noogu soo diri kartaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments