Baashe Muuse: Waalidka soomaalida ah waxey caruurta u celiyaan, si ay wanaaga dhaqankooda usoo bartaan

0
107

Tv-ga qaranka Norway ee NRK, qeybtiisa Radiyaha ayaa galabta qabtay dood ku saabsan arinta ku saabsan dhaqan-celinta caruurta soomaalida oo maalmahanba ay warbaahinta Norway iyo Denmark aad u hadalhayeen.

Soomaali vs Soomaali:

Dooda NRK waxaa lagu casuumay xildhibaan Baashe Muuse oo kamid ah golaha deegaan Oslo iyo haweeney kale oo soomaali ah oo lagu magacaabo Shurika Hansen.

Baashe Muuse ayaa sheegay in waalidka soomaalida ay caruurta Soomaaliya ugu celiyaan si ay usoo bartaan waxyaabaha uu ku wanaagsanyahay dhaqanka soomaalida, iyada oo qaarkoodna ay caruurtooda dib u celiyaan, iyaga oo uga cabsi qabo inay ku dhacaan falal danbiyeed iyo kriminalitet.

Halka haweeneyda kale ee soomaalida ahna ay sheegeysay in dhaqanka Soomaalida iyo kan Norwiijigu uu u dhaxeeyo farqi weyn, isla markaana ay ilmuhu wax weyn kasoo faa´iideynin celintooda Soomaaliya. Iyada oo sii raacisay in jirdilku uu yahay qeyb kamid tarbiyada dugsiyada iyo iskuulada Soomaaliya kuyaalo, diintuna ay aad ugu dhex milantahay dhaqanka Soomaalida.

Doodan ayaa ah mid aad u xiiso badan oo labada dhinacba ay soo bandhigayeen fikirkooda ku aadan celinta caruurta, iyo waxa ka dhalan karta.

Halkan ka dhageyso doodan oo dhameystiran. 

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments