VG: waxaa laga yaabaa in Ap ay SV banaanka dhigaan, si ay KRF usoo xero gashtaan

0
187

Sida uu qorayo wargeyska VG oo soo xiganayo ilo katirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap, waxaa doorashadan dhici karto in AP ay dhabarka u jeediyaan SV, si ay dowlad wadaag ah ula dhistaan KRF. Ilaha uu VG warka kasoo xiganayo ayaa sheegay in xisbiga Ap uu diyaar u yahay in SV ay tuuraan, hadii ay taas keeneyso inay wada-shaqeyn la yeeshaan KRF.

KRF ayaa sanadkan ah xisbiga jookarka ah ee doorashada sanadkan, waxaana loo badinayaa inay Ap wada-shaqeyn la yeelan doonaan, maadaama  ay ku tacab-beeleen afar sano oo ay kursiga ku hayeen Erna Solberg iyo Siv Jensen. KRF ayaa diidan la shaqeynta FRP iyo Siv Jensen.

Ap ayaa heysto sadex doorasho midkood:

  1. Inay dhistaan dowlada ka kooban Ap, Sp iyo KRF

  2. Inay sameystaan dowlada ka kooban Ap iyo Sp= Wey adagtahay inay dhacdo, balse waa suurtogal marka loo eego sida xowliga ah ee Sp kor ugu kacay dhowrkii bilood ee ugu danbeysay.

  3. Ama inay sidii caadada aheyd soo celiyaan isbaheysigoodii hore ee Ap, SV iyo Sp. Hadii ay Ap intaas isku helaan, wax badan ayey u dhib-yartahay, maadaama ay horey usoo wada shaqeeyeen. Laakiin SV ayaan la isku hubin inay heli doonaan codad ku filan oo ay lasoo shirtagaan, waana mida keeneyso inay Ap wado kale sii raadsadaana ama KRF wada-hadal lasii galaan.

Si kastaba waxaa sanadkan loo badaniyaa in Erna Solberg aysan lix bilood kadib sii ahaan doonin reysulwasaare.

Xigasho/kilde: VG.no 

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments