torsdag, mars 28, 2024

Shirkad uu wax ka aas-aasay ardey soomaali oo heshiis la gashay Halden Kommune

Mohamed Abdishakur Adeysay waa ardey soomaali ah oo wax ka aas-aasay shirkada Dropby oo kamid 12 shirkadood oo sanadkan ka qeybqaatay barnaamij-ganacsiyeedka Pangstart, oo ah qeyb katirsan mashruuca Smart innovation Norway. Mohamed iyo shirkadiisa ayaa laga soo dhex-doortay 40 shirkadood oo soo codsaday ka qeybqaadashada barnaamij ganacsiyeedka Pangstart.

Wargeyska Lokalka ah ee Halden-Arbeidsblad ayaa shaley warbixin dheer kaqoray, shirkadan dhalinyaradan afarta ah oo Mohamed Adeysay uu kamid yahay ay wada aas-aaseen. Waxeyna sheegeen inay heshiis bilow ah la galeen kommunaha Halden, kaas oo dhaqan-galkiisu uu bilaaban doono xagaaga kadib. Sidoo kale waxey wada-shaqeyn tijaabo ah la sameyn doonaan xarunta Frivillighetsentralen ee magaalada Halden.

Shirkadan ayey dhalinyaradan sheegeen inay isku xireyso ardeyda ay dhibaatadu ka heysato casharada iskuulka iyo macalminiin ama dad kale oo ka caawin kara casharada, qaab online ah. Waxeyna raaciyeen inay rajeynayaan in ardey badan ay gacan ku siiyaan inay dhameystaan waxbarashada dugsiga sare, ama ay kahortagaan inay dugsiga sare ka dhacaan. Maadaama fikirka ay shirkadoodu keentay uu yahay mid ardeyda ku dhiirigalinayo inay kor u qaadaan kalsoonidooda shaqsiyeed iyo dareenka ah inay wax ku fiicanyihiin, (waa sida ay HA u sheegeene).

Sida uu Halden Arbeidsblad qorayo, dhalinyarada ayaa Halden kadib rajeynayo inay shirkadan gaarsiiyaan dhamaan degmooyinka iyo gobolada kale ee wadanka.

Mohamed Adeysay iyo sadaxda kale ee dhalinyarada ah ee shirkadan la aas-aastay ayaa dhamaantood ah ardey ingeniør ka barta machadka Østfold(Høyskolen i Østfold).

Pangstart ayaa ah barnaamij lagu soo bandhigo shirkadaha cusub ee keenay fikrad ganacsi oo cusub, isla markaana lagula socdo dhaq-dhaqaadooda, gacana lagu siiyo sidii ay u kori lahaayeen. Mohamed iyo Dropby ayaa sanadkan kamid noqday shirkadaha loo doortay inay fikirka ganacsigoodo kusoo bandhigaan barnaamijkaas.

Xigasho/kilde: Halden.no(Halkan kasii akhri warbixina HA.no)

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x