fredag, april 26, 2024

Wasiirada soo galootiga denmark: Waxaan rajeyneynaa in dowlada cusub ee Soomaaliya ay nala shaqeyso

Waxaa warbaahinta Denmark maalmihii ugu danbeeyay aad looga hadalhayay heshiiska afka ah(aan qoraalka aheyn), kaas oo dowlada Denmark ay la gashay wafdi ka socday Soomaaliya oo dalkaas socdaal ku yimid sanadkii 2016. Halkan ka akhri warkaas. 

Arinta sida gaarka ah loo hadalhayo ayaa ah nooca heshiis oo ay Denmark ay gashay, isla markaana ay u cuskaneyso dib u qiimeynta magangalyada nolosha boqolaal qof oo magangalyo doon ah.

[adsenseyu2]

Arin kale oo lagu heysto dowlada Denmark ayaa ah in heshiiskaas afka ah ay la galeen wasiiro katirsan xukuumadii hore ee Cumar Cabdirashiid, hadana ay Soomaaliya kajirto dowlada iyo xukuumad cusub. Wasiirada arimaha soo galootiga dalka Denmark ayaa sheegtay inay rajeyneyso in wada-shaqeyn ku saabsan arimaha dib u celinta ay la yeeshaan dowlada cusub ee Soomaaliya ka dhalatay, isla markaana ay rajeynayaan in loo tixgaliyo heshiiskii ay la galeen wasiiradii kasocday xukuumadii hore.

Wasiiradan ayaa sidoo kale sheegtay in howsha dib u qiimeynta ay sii wadi doonaan, muhiimaduna ay tahay in dadka aan u baahneyn magangalyo dalkoodii dib loogu celiyo.

Denmark ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyada 800 qof oo qoxooti soomaaliyeed ah, kuwaas oo magangalyo ka heysto dalkaas. Waxaana ilaa hada sharciga magangalyada lagala noqday ilaa 57 qof, halka 90 dad kor u dhaafayo loo cusbooneysiiyay magangalyadooda.

Xigasho/kilde: Politiken.dk, Politiken.dk 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x