Sida laga warqabo bisha 9aad ee sanadkan, waxaa dhacaya doorashadii barlamaanka ee Norway. Markasta oo wadankaan ay doorasho ka dhaceyso, waxaa dhacda in xisbi kasta uu ku dadaalo sidii u uheli lahaa codad badan, si uu wax ugu yeesho talada maamulka wadanka.
Waxaa wadanka degan dad ku dhaw 900.000(xogta SSB) oo ajaaniib ah. Inkasta oo caruur iyo dadka aan xaq u leheyn inay codeyaan ay jiraan, hadana waxaa jira dadban oo cod bixin kara.
Marka ay doorashooyinku dhacayaan, waxaa dhacda in sogalootiga aad loogu dagaalamo. Xisbiyadu waxay u kala baxaan labo qeybood:
1) Qaar cod ku raadsada, kuna dooda inay ilaalin doonaan xuquuqda soo galootiga. xisbiyadaan waxay aad ugu dadalaan inay helaan codadka sogalootiga.
2) Dhinaca kale, waxaa jira xisbiyo kale oo codadad ku raadsada naceybka soo galootiga. Xisbiyadaan waxay dadka u dhashay wadankan ka dhaadhiciyaan in soogalootigu, ay duulaan kuyihiin jiritaanka wadankan, laganayaabo inay gebi’ahaanba baabi’yaan daryeelka wadanka ka jira. Xisbiyada sidaan aaminsan waxaa ugu horeeya xisbiga garabka midig ee FRP.
Xisbiyada iska dhiga saaxiibada iyo daryeelayaasha soogalootiga, waxaa ugu horeeya xisbiga garabka bidix ee AP. Xisbiga AP wuxuu sanado badan naas- nuujin ku qabay sogalooti oo codad-kooda ugu shubijiray. Sanadadii ugu danbeeyay, waxaa soo baxayay in isbedel dhanka siyaasada ah uu ku yimid xisbigaan. Waxaana soo muuqatay inuusan wax badan ka gedisneyn, kana ag dhawyahay FRP, markay timaado siyaasada laxiriirta sogalootiga.
Hadaba su’aashu waxay tahay ma la joogaa xiligii lala xisaabtamilahaa oo loo cadeynlahaa in codku qiima leeyahay?:
Waxaa jirta dood dhaheysa xisbiyada kale ee yaryar waa cod dhumis oo awood badan malahan. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay inay adagtahay in hal xisbi uu helo awood buuxda. Inta badan dawladu waxay ku dhisan tahay dawlad wadaagnimo . Marka hadii la xoojiyo xibiyada yaryar, waxaa dheceysa inay helaan awood ay kula xisaabtamaan xisbiyada kale.
Shaqsiyan waxaan aaminsanahay in hadii laga guuro AP in laba arimood midkood dhacdo, 1) xisbiyada yaryar ee sogalooti u dooda inay awood helaan. Ama 2) in AP uu ogaado in laga guuray, una baahanyihiin inay dib isu xisaabiyaan. Marka waxaan aaminsanahay inaan lagu qasaareyn isbedelka.
W.Q Cabdullahi Cilmi Ibrahim.
Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, khibraaada, aqoontaada ama hamigaaga la wadaagto bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaaga noogu soo gudbin kartaa: NorSomNews@gmail.com
[adsenseyu2]