Michael Keating oo kusoo fool leh Norway iyo kulan uu la qaadan doono jaaliyada soomaaliyeed

0
136

Sida aan kasoo xiganeyno webka rasmiga ah ee dowlada Norway, Ergeyga gaarka ee xogyaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa isbuuca soo socdo booqasho rasmi ah ku imaan doono dalkan Norway. Isaga oo maalinta jimcaha ah ee socoto, kulan la qaadan doono wasiirka arimaha dibada dalkan Norway Børge Brende.

Keating waxaa safarkiisa ku weheliyo ergeyga gaarka ah ee dowlada Norway u qaabilsan Soomaaliya, Jens Mjaugedal oo kasoo socdaalay magaalada Muqdisho.

 

Kulan jaaliyada soomaaliyeed ee Norway:

Ergeyga qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa lagu wadaa inuu maalinta khamiista ah uu kulan dood iyo kala warqaadasho ah la qaat,  jaaliyada soomaaliyeed ee dalkan Norway. Kulankaas oo looga hadli doono xaaladaha Soomaaliya ee doorashada kadib.Waxaana kulankaas agaasimay wasaarada arimaha dibada dalkan Norway.

Warbixinta kulankaas jaaliyada soomaaliyeed ee Norway iyo Keating, gadaal ayaan kasoo galin doonaa.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments