Siyaasiga Abdullahi Alason oo xubin ka noqday gudiga hey´ada UNE.

0
162

Abdullahi Alason oo kamid ah golaha deegaanka ee magaalada Kristiansand, talo-bixiyana ka ah hey´ada dib u dajinta qoxootiga ee IMDI, ayaa noqday xubin kamid ah gudiga hey´ada UNE.  

UNE ayaa ah hey´ada dib u eegista ku sameyso cabashooyinka laga soo gudbiyo ,go´aanada hey´ada laanta socdaalka ee UDI. Waana mid kamid ah labada hey´adood ee inta badan go´aanka ka gaara in qofku uu magangalyo ka heli karo Norway ama inkale. 

Alason oo 30 sano kahor qoxootinimo kusoo galay dalkan Norway, ayaa hada wax ka go´aamin doono kiisaska la xiriira dadka qoxootiga ah ee magangalyada weydiistay Norway. Wuxuuna xubin kasii ahaanayaa gudiga UNE ilaa sanadka 2021. Abdullahi ayaa wargeyska Utrop u sheegay in shaqadan xubin ka noqoshada UNE ay tahay mid adag, balse uu diyaar u yahay kasoo bixideeda.

Wargeyska Utrop ayaa warbixin dheer oo ku saabsan nolosha Alason iyo kamid noqoshadiisa ka diyaariyay. Wuxuuna cinwaan uga dhigay Fra Flyktning til Portvakter(Hoos ka akhri warbixintaas).

Abdullahi Alason ayaa noqonayo dadka kooban ee soomaalida ah ee abid kamid noqday xubnaha gudiga UNE. Waxeyna taas sharaf iyo milgo u tahay qowmiyada soomaaliyeed ee Norway, maadaama qof soomaali ah lagu aaminay inuu wax ka go´aamiyo kiisaska go´aamo khuseeyo nolosha kumanaan qof. Waxeyna arintan tusaale cad u tahay in soomaalidu ay si rasmi ah uga soo muuqaneyso qeybaha kala duwan ee mujtacweynaha reer Norway.

Xigasho/kilde: Utrop.no

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments