Halkee lagu qaban doonaa kulanka jaaliyada soomaaliya Norway iyo Michael Keating

0
111

Sidii aan labo maalmood kahor soo qorneyba, waxaa Norway booqasho ku imaan doono ergeyga gaarka ah ee xogyahaya qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

Keating ayaa booqasho rasmi ah ku iman doono dalkan Norway, wuxuuna maalinta jimcaha ah kulan la qaadan doonaa wasiirka arimaha dibada Norway, Børge Brende. Wasaarada arimaha dibada ayaa sidoo kale qaban-qaabisay kulan dood iyo xog kala qaadasho ah, kaas oo uu Keating la qaadan doono jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

Cinwaanka dooda uu rabo uu Keating la qeybsado jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, ayaa ah: Somalia after election- where now(Soomaaliya doorashada kadib, xagee hada?).

Ergeyga qaramada midoobay ee Soomaaliya, waxaa safarkiisa ku weheliyo ergeyga gaarka ah ee dowlada  Norway u qaabilsan Soomaaliya jens mjaugedal. 

 

Macluumaadka kulanka Keating iyo soomaalida:

Taariikhda: Khamiis, 16-03-2017..Saacada: 16:00-17:30

Goobta: Litteraturhuset. Cinwaan: Wergelandsveien 29, 0167 Qolka:Amalia Skram

Luuqada dooda waa English. 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments