mandag, april 22, 2024

Donald Trumpiga Yurub oo laga yaabo inuu ku guuleysto doorashada madaxtinimo Holand

Waxaa maalinta barito ah wadanka Holand/Netherland ka dhici doono doorashada madaxtinimo ee dalkaas. Waxaana jiro wel-wel iyo cabsi badan oo la xiriirta doorashadaas, maadaama ay dhici karto in musharaxa xisbiga xoriyada(PVV) ee Geert Wilders uu noqdo reysulwasaaraha cusub ee dalkaas. 

Geert Wilders oo lagu naaneyso Donald Trumpiga Yurub, ayaa ololasha doorashadiisa ku balanqaaday in hadii uu guuleysto uu xiri doono masaajidada dadka muslimiinta ah, isla markaana uu soo galootiga kasoo jeedo wadamada islaamka ah uu ka mamnuuci inay Holand soo galaan. Wuxuu sidoo kale sheegay in dadka muslimiinta ah ee aan ku qanacsaneyn nolosha iyo dhaqanka reer Holand uu ku cadaadin doono inay wadankaas isaga guuraan.

[adsenseyu2]

Ninkan oo lagu tiriyo inuu yahay siyaasiga ugu xagjirsan siyaasiyiinta Yurub, ayaa sidoo kale balanqaaday inuu Holand ka saari doono midowga Yurub oo uu sheegay inuu u arko inuu yahay mid ku guuldareystay ka miro-dhalinta ahdaaftii loo aas-aasay.

Madaxda wadamada Midowga Yurub oo kasoo kabsan la´dhaawicii ka bixitaanka UK ee EU-da, ayaa wadnaha farta aad ugu hayo. Maadaama hadii uu ninkan guuleysto, ay qabri ku dhaceyso rajadii midowga Yurub ee aheyd in la mideeyo suuqyada dhaqaalaha wamada Yurub. 

Codbixinadii internetka ee la qaaday maalmihii ugu danbeeyay, ayaa sheegayo inay suurtogal tahay in xisbiga uu hogaamiyo ninkan, uu helo kuraasta ugu badan baarlamaanka dalkaas. Laakiin inta badan xisbiyada kale ee dalkaas, ayaa diidan inay la shaqeeyaan xisbiga ninkan. Lamana oga sida uu xaalku noqon doono doorashada kadib. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x