(Maqaal): Khadar M. Ali= Norwiijigu inta ay nagu caayaan maanta, iyagaba waa soo mareen

1
129
Sawir-Gacmeed Norway 1800-kii

Magaceyga waa Kadar Mohamud, waxaan ahay wiil Somaliyeed oo ka mid ah bulshada somaaliyed ee ku dhaqan DalKan Norwey. Waxaan daganahay mudo gaaban oo 2013 ilaa hada ah 2017. Waxaan rabaa in aan aragtideeda ka dhiibto kiiskan dhamaan bulshada Somaliyeed inteena badan aanka wada damqanay, anigoo kusoo koobayo muhiimada. 

 

Waxaan rabaa inaan ku darsado in ay norwiijigu nagu tilmaamaan hada, ay iyaguba xili soo mareen.

1)Gaajo ayaa so dhameesay.

2)Wey haajireen faqri dartiis! Aniga waa dagaal sokeeye.

3) Wey isa soo dagaaleen iyaga oo xukun iyo diimo isku dilaayo illaa eey boqor Denmark ka keensadeen.

4)Waxbo ma aysan qori jirin jahli dartiis iyo aqoon daro darteed.

5)Way is midab takoori jireen oo qeyb ayaa la heyb sooci jiray. 

6) Qofka Somaaliga oo ay ku tilmaamen in uu jaakad xirnaa xili cimilada kulishahay, ayaga xili cimalada oo -20 ah ayey  jaaked la,aan so con jireen). 

(Su’aasha ah waa kuwama Soomaalidu ?)

Waa dadki siiyay jinsiyadaha dadkii usoo haajiray, aanah waligood kalla noqon dadkaas!. 

Waa dadkii gargaarka ka geysan jiray dalalka dariska markii eey dhibaato soo wajahdo!. 

Waa dadkii dhoofsan jiray kaluunka, xoolaha iyo khudaarta. Waa dadka dagan, xeebta uugu dheer qaarada Africa.

Waa dad xushmada iyo karaamada siiya hooyada oo adeegsada, dhulkeeyga Hooyo, Afkeeyga Hooyo iyo ciideyda hooyo.

Dadka reer Norway waxaas oo idil wey iska daaweeyeen oo way ka gudbeen. Hada anaga ayey nagu danbeysa Inaan meelaha caroono oo yuusno!. Anaganah sidaa ogtihiin isku galno maalin walibo nalagu maadsado talo ma noqotee sideen uuga gudubnaa duli nimadaan?

Sanadkii lasoo dhaafay ayay ahed markii laga lahaa dalka Sweden, Somaalida waa dad maskaxiyan u xanuunsan! Ee talo keena dud iyo yuus waxbo maahane!!!!!!

W.Q: Khadar Mahamud Ali.


Hadii aad rabtid inaan fikirkaaga, aqoontooda, khibradaada ama hamigaaga la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaada noogu soo diri kartaa NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
ABDIWAHB
7 years ago

Nin raga somalida waxaa laga rabaa inay sidaasoo kale u hadlaan ama ay iska aamusaan
Hadii maalin walba inta nayla caayo aynu calaacalno waa lay nugu wada yaa lkn hadii jawaabteeda ka bixino xaqaynaynu helaynaa