(Maqaal) Ismaaciil A. Xuseen: Dowlada Norway iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

0
111

Idaacadaha Norway ayaa maalmo kahor si aad ah oo balaaraan u hadalhayay musuq maasuqa soomaaliya, kadib markii ay soo baxday tirokoob sheegayo inay soomaaliya  tahay wadanka adduunka ugu musuq maasuqa badan. Laakiin waxaa layaab leh in jaraaidka wadanka ugu weyn uu ka qoray wax gaarayo 5 page(bog), iyaga oo marnaba aan xusin sababta dhalisay musuq maasuqa iyo dowrka ay bulshada caalamka ku leeyihiin musuq-maasuqa balaaran ee wadankeenii kajiro.

Waxaa intaas kasii darin hal su’aal ma aysan iska weydiin, waxa norway ay sameyn karto, si musuq maasuqa xarumaha dowlada looga hortago. Maxaa yeelay wadankaan wuxuu bixiyaa mushaaraadka shaqaalaha dowlada Soomaaliya, awoodna waxey uleeyihiin iney saameen ku yeeshaan xarumaha dowlada, oo ay ladagaalamaan musuq maasuqa.

Intaas hadana waxaa iiga yaab badnaa, in dhamaan jaraaidyada wadanka aysan waxba ka qoran madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kaasoo sheegay inuu dagaal ku qaadi doono musuq maasuqa. Waxaa jira hal journal oo waxyar ka qoray madaxweynaha cusub, isagana wuxuu hadalkiisa ku saleeyey sidatan

» madaxweynaha cusub ee wadanka soomaaliya wuxuu heystaa dhalashada mareykanka, wuuna usocdaali karaa wadankaas oo ma saameeneeso xanibaada 7 wadan aoo y soomaaliya kamid tahay, kuwaas oo  mareykanka laga xanibay!»

Xitaa waxyar ma uusan kasheegin sida bulshada soomaalidu ay madaxweynaha cusub u taageersanyihiin, dadkuna ay u rajeynayaan inuu isbedel weyn wadanka ku sameeyo. Dhabtii arintaan waaa wax lala yaabo!

Intaas hadana waxaa sii dheer, waxaan booqday dhamaan websetyada wasiirka arimadaha dibadda ee wadankaan iyo pageka(boga) wasaaarada arimaha dibada, halkaasna ma aanan kusoo arag hal erey oo lagu xusayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, xitaaaa ha noqoto hambalyo baraha bulshada ee sosial-mediyaha loo mariyee. 

-Maxay kula tahay sababta?

Aniga waxaa isleeyahay in beesha caalamka aysan ku qanacsaneyn madaxweynaha cusub ee wadanka, kadib markii aan arkay sawirada laga soo qaaday qaar kamida xubnaha beesha caalamka ee joogay goobta doorashada. Iyo markaan arkay arimahan aan kor kusoo xusay. Waa laga yaabaa inuusan xaalku sidaas aheyn oo anigu uu fakirkaan igu gaaryahay, lagana yaabo inuu yahay mid qaldan, sida aniguba aan rajeynayo!

Sidee doontaba hanoqotee soomaalida Norway, qaasatan dadkooda waxbartay waxaa lagudboon iney xayeeysiiyaan madaxweynaha cusub ee wadanka iyo xukuumadiisa, waxna kaqoraan rajada soomaali badani ay hadda dareemeyso, si dadka wadankaan joogo ay wax ugu ogaadaan arintaan.

Anaguna aan cadaadis ku saarno sidii dowlada Norway ula shaqeen laheyd madaxweynaha cusub, ugana qeyb qaadan laheyd ladagaalanka musuq maasuqa uu sheegay mudane farmaajo inuu ladagaalami doono!!

Lasocda inaad dhamaantiin tihiin danjirayaal soomaaliyeed, waajibna  uu idinka saaranyahay sidii dowladan cusub ay taageero, dhiiro gelin iyo wada shaqeyn uga heli laheed bulshada caalamka, oo ay ugu horeyso wadankan Norway oo soomaali badan ay ku nooshahay. 

Waa waxa kaliya ee aad wadanka maanta aad ku caawin kartaan. Mida kale lasoco mardhow inshaAllah arimahaan ayaan kuguda jiraa inaan wax kaqoro. Waxaan rajeynayaa in soomaali fara badani iyaguna wax kaqoraan, waxaana ilaah uga baryayaa inuu garab istaago dowlada cusub ee hada curatay, kana dhigo mid aflaxdo oo soo celiso magacii iyo sumcadii soomaaliya oo aan aniga iyo dad badan oo ila mid ahi aysan nasiib uyeelan iney nolosha ku arkaan!

W.Q= Ismaaciil A. Xuseen


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, aqoontooda, dareenkaaga ama ra´yigaaga aad la wadaagto bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad maqaalada iyo qoraaladooda noogu soo diri kartaa

NorSomNews@gmail.com 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments