fredag, mars 29, 2024

Wasiirka arimaha dibada Norway oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Wasiirka arimaha dibada dalkan Norway, Børge Brende ayaa qoraal uu kusoo daabacay bartiisa uu kuleeyahay boga Twitterka hambalyo ugu diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, M.A Farmaajo iyo shacabka soomaaliyeed.

Brende ayaa sidoo kale ka hambalyeeyay sida nabadgalyada ah oo ay doorashadu ku dhacday. 

Safiirka Norway u fadhiyo Soomaaliya, Ambassador Ronneberg ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in wada-shaqeyn fiican ay dhex-marto madaxweynaha cusub. 

Xigasho/kilde: Twitter

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x