Carl i Hagen oo mar kale tusaalaha ugu xun usoo qaatay soomaalida Norway

0
175

Gudoomiyihii hore ee xisbiga FRP Carl I. hagen oo warbaahintu ay ugu yeerto Donald Trumpiga Norway ayaa mar uu ka qeybqaadanayay barnaamijka dooda Underhuset ee TV2, soomaalida Norway usoo qaatay tusaale xun. 

Trumpiga Norway oo ka hadlayay xaalada dadka soo galootiga ah iyo sida ay saameyn ugu yeelan karaan dadka norwiijiga ah ayaa hadalkiisa sidaan u dhigay:

Qoysaska norwiijiga caadiga ah, waxey subixii kacaan todobada-sideeda aroornimo, wey daalanyihiin, ilmo ayey korinayaan, waana muwaadiniin sharciga adeecsan. Waxaana usoo dhacdo lacagta biilka(regnin). Markaas ayey arkayaan dad soo galooti ah. Hadaan banaanka usoo bandhigo, waxey arkayaan 30-jir soomaali ah, kaas oo maqaaxida fadhiyo, qaadna cunayo intii uu shaqo aadi lahaa. 

Dooda uu Trumpiga Norway Carl i hagen ka qeybqaatay ayaa ku saabsaneyd arinta hada ka socoto wadanka Sweden, gaar ahaan xaafada Rinkeby oo ay soomaali badan degantahay.

Hagen ayaa aaminsan in hadii sida ay hada wax ku socdaan, ay xaaladu kusii socoto, dadka norwiijiga ah ay noqon doonaan dad laga tiro badan-yahay, islamarkaana soo galootigu ay la wareegi doonaan wadanka. Trumpiga Norway ayaa tusaale usoo qaatay xaafado kamid ah Oslo oo ay tiro ahaan ku badanyihiin soo galootiga. 

-Wixii xunba soomaali baa leh:

Ma maqli jirtay maah-maah soomaaliyeed oo dhihi jirtay, wixii xunba xaawaa leh, Hada Norway waa wixii xunba soomaali baa leh. Barnaamij dood ah oo ay daawanayaan boqolaal kun oo qof ayuu nin weyn oo siyaasi ah tusaale xun usoo qaadanayaa qowmiyad dhan, isaga oo aan sinaba u fileynin in loo soo jawaabo. 

Siyaasiyiinta soomaaliyeed ee siyaasada soomaalida ugu jiro, arintan maxey ka dhihi doonaan. Ma sidii horey loogu yaqaanay ayay madaxa rogon doonaan?. Mise sidoodii ayey luuqyada ka dhihi hebel waa cunsuri ee inaga daaya warkiisa?

Halkan ka daawo/ ka akhri warka Trumpiga Norway(TV2.NO).

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments