fredag, april 19, 2024

(Aragti)- Ayan Ahmed: Ku faan dadkaaga

Magacaygu waa Ayan Ahmed, ku nool woqooyiga Norway. Norway waxa aan ku noolahay 4 sano iyo bar. Waxaan rabaa inaan fekerkayga ku saabsan waxa aan anigu ugu yeedhay «quudhsiga shisheeye iyo maangaabnimada Somalida» la qaybsado bulshada Somaliyed ee ku nool wadankan. Wadankasta waxa qiimeya dadkiisa. caalamka ma jiro dad iyo dal aan ceeb lahayn, Soomaaliduna waa sidaas oo kale. 

Walaalayal dadkeena inay shaqadooda aad u hooseyso waynu ognahay, waxaana aniga ahaan keenaya arinkaas sababo badan o ay ka mid tahay qaab labiskena gaar ahaan dumarka Somaliyed. Shaqooyinka qaar o u baahan waxbarasho sare, iyada oo aan ognahay in dadkena 25-sano ay ugu danbeyay dowlada, aanu ka jirin system waxbarsho oo la aqonsanyahay. Taas oo keenaysa in dhalinyaro badan marki ay wadankan yimaadeen waxbrashadoodi loo aqoonsan waayo.

Arinkaas wuxuu keenayaa in dhalinyaro badan daaqada ka baxaan oo ay niyad jabaan. Mida 3aad oo aan isleeyahay way keenaysaa inaynu noqono dadka ugu shaqada hooseya, waa in dadka soomaalida ah, gaar ahaan magaaloyinka aan arkay ay ku badanyihiin dad waawayn, taas oo meesha ka saaraysa inay xaadiran suuqa shaqada. Waxyabahaas aan soo shegay qofkasta wuu ogyahay inay jirto, laakiin ma arag qof wali arimahaas diirada saaraya. Waxa kaliya ee aan aragno waa been abuur iyo sumcad xumo maalinba maalinta ka danbeysa sii xoogaysanysa.

Anigu waxaan ahay qof dhalinyaro ah waalid iyo walaalo toona ku lahayn wadankan, gabadhna ah. Aniga oo u baahan niyad dhis iyo in lay-push gareeyo(cadaadiyo). Marka aan banaanka u soo baxo waxaan la kulmaa waji-gabax. Waxaan dareemaya in mar marka qaar maryahygu dhibaato ku hayaan dadka aan la noolahay.

Waxaan ahay ardayad, suuqa shaqadana waan ku jira xiligayga firaaqada. waxaan rabaa Soomaalidii aan ka dhashay oo dhiiga lahayd, waxaan rabaa inaan arko wiilasha iyo gabdha Somaliyed oo aan ku faano.

Fadlan joojiya niyad jabka. Waxaan aaminsanahay in qofkasta oo soomaali ah uu leyahay sharaf. Waxaan aaminsanahay in dadkenu haystaan sharaf iyo qiimo Rabaani ah. Hadaan wanaagsanahay waxaan magac u soo jiidaya Somalia iyo Somali oo dhan, hadii aan xumadana xumaan baan so jiidaya. KU FAAN DADKAAGA.

W.Q: Ayan Ahmed- Woqooyiga Norway.


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, aqoontaada, aragtiida ama hamigaaga aad la wadaagto bulshada soomaaliyeed, waxaan qoraaladaada noogu soo diri kartaa. NorSomnews@gmail.com. Af norwiiji ama soomaali kii kuu fudud.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x