(Aragti)-Hafsa Abdirashiid: Fariin ku socoto soomaalida reer Norway.

0
159

Marka hore waxaan salaamayaa bulshada soomaaliyeed ee caalamka, gaar ahaan kuwo Norway. Waxaan ahay gabar soomaaliyed oo ku nool Norway gaar ahaan Telemark, dhigatana sanadka ugu danbeeya ee ungdsomskole (dugsiga dhexe).halkan waxaa rabay inaa fikirkeyga ama rayi geyga aan idin la wadaago.

Dadka ilaahay uumay horta isku rayi ma ahan, isku fikirna wey adag tahay inay noqdaan, oo sidey faraheena u kala duwan yihiin, baanu uu kala duwanahay. Marka waxaa meeshan ku qoran hadaa igu raacsaneen waa ila soo socod siin kartaan fikirkiina , kommentigiina waan aqrin doona inshaAllah. 

Soomaalida Norway hadaa nahay horta sumcad xumo ayaa suuqa noogu jirta oo waan wada ognahay. Waxaan markasta nala meel dhigaa walaalaheen oo USA ku nool ama England. Taas oo ah wax lagu farxo ileen waa walaalkaa oo hormar gaaray, hadana ah wax aan lagu farxin oo inaga ayaa nalagu bahdilayaa midaas. 
Waa run oo waalidiinteena ma haystaan shahaadoyin ama jaamacado kama soo bixin. Wadankeena 26kii-sano ee ugu danbeeyey isagaa burbursanaa. Taas oo sababi kartaa dadka meeshan weynaan ku yimaado, inaysan lahayn qibrad waxbarasho, taaso usii raacdo wadankan oo waxkasta u baahan warqad iyo shahaado..

Maalin aan saas u fogayn wiil baa tooray lagu dilay magaalada kristiansand. Waxa taas inoo sii raacday in hadii nin mawaadin ah dhaho «hala dilo markasta wuxuu noqon lahaa argagixiso», qof somali ah oo ka dhiidhiyay ama ka hadlay ma aan maqlin. halkaas ayaa lagu dhaafay inkastoo hada sharciga la waregay arintaas!. 

Waxaa la yiri dumarka soomalida norway ma rabaan inay shaqaystaan ee lacagta nav bay rabaan. Ma jiraa qof ka hadlay oo maamooyinka difaacay? waa maya.! Waxaa ugu dhawaa walaalkey Mohammed Abdullahi ilaahay khayr  ha siiyee, laakiin ogaada far kaliya fool ma dhaqdo.

Runta ceeb ma´ahan, laakiin waxa ceeb ah in xumaha oo kaliya la sheego.  Waxaa jira soomali badan oo shaqeeya kuwaas oo lacag canshuur ah laga qaado «skatt». Lacagtaas oo dowladay ay qaadato.  Dowlada ayaa lacagtaas u qeybiso meelo kala duwan oo Nav ay kamid tahay. Taasna waxay cadayn u tahay somalida shaqaysa canshuurta laga qaado inay qaar ka mid ah u tagto nav, si ay ugu kabaan wixii caawimad u baahan. Taas oo ka dhigan inay nav u baahan tahay shacabka, shacabkuna u baahanyahy nav. Hadaba waxaan dhihi karnaa soomaalida inta shaqaysa way badan tahay ilaahay baa mahad leh, waxa laga jaro mushaharkooda ayaa u tagto walaalahood aan shaqo wali helin, kaalmadana u baahan. 
Barnaamijkii habeen dhawayd laga sii daayey Nrk oo afarta somalida ah la isugu yeeray, waanu wada daawanay. xanuunka aad dareenteen ana waan dareemay, balse waxaa kasii xunuun badnayd dad walaahaa oo kale ah oo hadana sharaftaada ku dheelay.

Aniga wax uma qabo afartooda, lidna kuma ihi oo waa walaalahay oo kale, fikirkooda wey u madaxbanaanyihiin. Qaarkood waalid ayeyba ii noqon karaan, marka midna ma rabo ina halkan ka magacaabo.

Balse hadii aad shacab matalaysid wa inaa shacabka labo dhinac ka eegtaa, dhinaca xun oo laga dhisi karo iyo dhinaca fiican oo lagu amaani karo.

Muuqaalka halka daqiiqo ee u horaysa bal si fiican u dhagaysta soomaliyeey.
Shacabka Norway waxay xumaan naga aamin san yihiin oo weliba aan iska aamusanahy. Waxaa la yiri waa cajisiin, waa dad kriminell ah, waa ma shaqaysta yaal, nav bay ku xiran yihiin iyo wax yaalo la mid ah.

Afarta shaqsi oo meesha la keenay way awooden  inay arinkaas wax ka dhahaan lkn ma sameyn. waxyaalaha qaar waa sax laakiin sabab baa keentay, sababtana dadka inay ka hor cadeeyaan ayey aheyd. Xumaha soomaalida la-sheeg laakiin sabab maxey u sheegi waayeen?
«Vi drar hjem igjen når vi tømmer nav» waa cinwaanka muuqaalka barnaamojka. Saameyn intee le´eg bay ku leedahay dhalinyaradeena arintaas? Waa suaal is weydiin mudan. Hadii naloo  aqoonsaday, ma shaqaysta yaal nav ku xiran, hadaba ogaada ciyaalkeena in iskoolka mobbing ku noqon karto arintaas.

Xitaa beri, hadaíi uu  jaamacad tago waxaa igu filan oo kaliya qof i dhaha «somali ba tahay orod nav aad waxbarasha iyada kaaga fiican. Taas oo aad u dhaawici laheyd qofka oo maqla.
Ugu danbayn waxaan idin kula talinayaan: inaa isku duub-naatan, samaysataan gudi ama urur idiin adeega, is garab-taagtaan kiina fiyow iyo kiina kalabe.
Ogow cadowgaaga wuxuu kaa adkaada markuu meesha aad ka jilcan-tahay ogaado. Waxaan sidoo kale idinkula tali nayaan inaa ma shaqaysta yaasha la idinku tilmaamo wax ka tirahdan siiba intiina wax barato oo shaqaysa ka hadla arintan. Oo ku dhiiri-gali walaalka wax barasho iyo shaqo.
Dhalinta waxaan kula talin lahaa inay wax bartaan, kana faa´iideystaan fursadaha iyo jaanisyada waxbarasho ee dalkan kajiro. Waalidkana waxaa dhihi lahaa ubadkiina sharafta idin soo celinaya ee ku taageera wax barashada inshaAllah!

Waanka xumahay haduu qoraalku idinku dheeraadey. Waxaan idinkaga tagayaa Guul iyo gobo nimo inshaAllah

W.Q= Hafsa Abdirashiid. 


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, aqoontooda hamigaaga iyo dareenkaaga aad la wadaagto bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaada noogu soo gudbin kartaa NorSomnews@gmail.com. Af-norwiiji iyo Af Soomaali labadana, kii kuu fudud. 

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments