Abdirasaq Hassan oo loo doortay gudoomiye kuxigeenka Ap ee Stange.

0
185
Duqa degmada Stange Nils Røhne iyo Abdirasaq Hassan

Sida ku xusan referatka shir uu xisbiga Ap, qeybta degmada Stange yeeshay maalmo kahor, waxaa gudoomiye kuxigeenka arimaha siyaada ee xisbiga Ap Stange loo doortay Abdirasaq Hassan, oo ah xubin katirsan golaha deegaanka degmada Stange. 

Isla referadka ayaa waxaa ku xusan in Abdirasaq Hassan loo doortay rådgiver ama talo-bixiyaha dhanka warbaahinta ah. Xisbiga Ap ee gobalka Hedmark, ayaa share ama saami weyn ku leh wargeyska Hamar-Arbeidsblad(H-A.no). Waxaana Abdirasaq loo doortay inuu talo bixiye ka noqdo arimaha ku saabsan dadka soo galootiga ah. 

Siyaasigan soomaaliga ah ayaa sidoo kale kamid ah golaha dhexe ee xisbigaas ee gobalka Hedmark. Isaga oo kamid ahaa siyaasiyiintii ka dhex-muuqday mudaaharaadkii dhawaan Brummundal loogu dhigay Mahad Abiib. 

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments