Klassekampen: 30% soomaalida sharcigooda dib loo qiimeynayo, waxey wadanka yimaadeen iyaga oo caruur ah

0
47

Wargeyska Klassekampen ayaa maanta warbixin ka diyaariyey, go´aanka dowlada ee ku saabsan dib u qiimeynta sharciyada magangalyada qoxootiga soomaaliyeed ee gaaraya 1600. Wuxuuna klassekampen sheegay in tirokoob cusub oo ay heleen uu sheegayo in 30% dadkaas kamid ah, ay ahaayeen caruur markii ay wadanka imaanayeen. 

Sidoo kale wuxuu Klassekampen sheegay in 129 kamid ah ay la yimaadeen qoysaskooda, halka 350 kamid ahna ay wadanka iska soo dhiibeen iyaga ka yar da´da 18-ka. 

Baashe Muuse oo ah xubin katirsan golaha deegaan Oslo, oo ay Klassekampen wareysatay ayaa sheegay in dhalinyarada wadanka ku timid yaraanta ay yihiin kuwa loogu wel-welka badanyahay. Wuxuuna sheegay in qaarkood ay la dhibaateysanyihiin xanuuno dhinac maskaxda ah, ayna taasna keeni karto iney naceyb u qaadaan Norway. Wuxuuna sheegay in looga cabsi qabo iney ku biiraan ururada al Qaacida iyo Al Shabaab oo isbuucyadii ugu danbeeyay kusoo xoogeysanay deegaamada ku agdhow caasimada Muqdisho. Baashe ayaa sidoo kale sheegay in Al shabaab ay isbuuc kahor qarax ka geysteen magaalada Muqdisho, ayna ku dhinteen dad kor u dhaafayo 30 qof. 

Klassekampen ayaa qorayo in qaramada midoobey warqad ay usoo dirtey dowlada Norway ay ku cadeysay, in xaalada amaan ee Somalia aysan aheyn mid xasiloon, sidaas darteedna aan xiligan hada la joogo lagu celin karin dad qoxooti ah. Sida ay qaramada midoobey sheegtay, waxaa dadka lagala noqon karaa sharciyada qoxootiga, hadii isbadalada ka dhacay wadankoodii ay yihiin kuwo waarayo.

Baashe oo sheegtay inuu yahay gudoomiyaha urur la sheegay in lagu magacaabo Somalisk Nettverk, ayaa sheegay in 1600 ee soomaalida ah kunoolyihiin cabsi, isla markaana ay naxdin lasoo daristo mar walba oo ay Postada furayaan, iyaga oo ka baqayo iney UDI-da warqad ka helaan. 

Professor Terje Einarsen oo ah qabiir dhanka xuquuqda caalamiga ah, ayaa sheegay in marka qofka lagala noqonayo sharciyada magangalyada qoxootiga, ay waxbadan ka adagtahay marka qofka sharciga la siinayo. 

Jon Ole Martinson oo katirsan ururka magangalto doonayaasha NOAS, ayaa arinta dib qiimenyta sharciyada ku tilmaamey iney xadgudub ku tahay sharciga aas-aasiga, maadaama dadka ay markii ay Norway iska soo dhiibayeen, ay maanka ku hayeen iney halkaan sii daganaan doonaan waxbadan. 

Klassekampen ayaa xiriir la sameysay UDI-da, iyaga oo wax ka weydiiyey arintan dib qiimeynta. Dahr Bærvahr oo katirsan UDI-da ayaa sheegay in shaqadoodu ay tahay fulinta wareegtada iyo go´aanka kasoo baxey wasaarada dastuurta iyo amniga dalkan Norway. Wuxuuna sheegay iney baaritaan ku sameyn doonaan kiisaska dadka soomaaliyeed ee soo codsadey degenaanshaha rasmiga ah, sababtoo waxaa qeyno Soomaaliya  kamid ah, ka dhacey isbadal dhinaca amniga ah. Taasna ay ka dhigantahay in qaar kamid ah dadka heysta sharciga magangalyada kumeel gaarka ah, aysan u baahneyn magangalyo.

Baashe Muuse ayaa Klassekampen u sheegay in dad badan oo soomaali ah ay isweydiinayaan, sababta keentay in sharcigan cusub uu saameeyo dadka ka yimid soomaaliya oo kali ah?. Wuxuuna sheegay in soomaalida ay dareensayihiin in iyaga mar walba lagu tijaabiyo isbadal kasta oo dhinaca siyaasada soo galootiga ah, arintana ay qeyb ka tahay tijaabooyinkaas horey loogu soo tijaabiyey dadka soomaaliyeed. 

Wuxuu tusaale usoo qaatey in markii lasoo rogey qaadista dhiiga dadka isku dacwoonaya, markii ugu horeysayba lagu tijaabiyey dadka ka yimid Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu raaciyey in dadka hada laga noqday sharciyada degenaanshaha iyo dhalashada wadanka ay yihiin Soomaali. 

Xigasho/kilde: Klassekampen-Papir-avis(5-12-2016, side 6-7)

[adsenseyu1]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments