onsdag, april 24, 2024

Muranka miisaaniyada Norway oo Washington iyo VOA gaarey

Sideedii bilood ee ugu danbeeyay, waxaa soo badanayay wararka ay warbaahinta soomaaliyeed ee dibada ka qoraan wadankan Norway iyo jaaliyada soomaaliyeed ee halkan ku dhaqan. Waxaana moodaa in waxa ka dhaca Norway ay soomaalida kale ee qurbaha ay fiican oo joogta ah ula socdaan. 

Idaacada codka mareykanka, laanteeda afka soomaalida, ayaa idaacadii subaxnimo ee saaka kusoo qaadatey warbixin ay ka diyaarisey murankii ku saabsanaa miisaaniyada sanadka 2017 ee dowlada Norway. Murankaas uu sababi gaarey iney dhacdo xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg.

Waxaa xusid mudan in warbaahintan soomaaliyeed ee NorSom News ay aheyd, tii ugu horeysay ee af soomaali wax kaga qorto muranka miisaaniyada dowlada Norway. Waxaana markaas fududaatey in warbaahinta kale ee soomaaliyeed ay si fudud usii daabacan karaan, maadaama ay ku qorneyd luuqada afkeena hooyo ee soomaaliga. 

VOA IYO BBC may wariye keensadaan galbeedka yurub:

Wadamada galbeedka qaarada yurub, waxaa kunool jaaliyad soomaaliyeed oo isku dar haaf-milyan kor u dhaafaya. Wadamada Sweden, Germany, Finland, Norway, Denmark, Austria iyo wadamo kaleba, waxaa tobankii sano ee ugu danbeeyay soo dagey qoxooti soomaaliyeed oo boqolaal kun gaarayo. 

Waxaad moodaa in idaacadaha waaweyn ee soomaalidu(VOA, BBC) ay mar walba wareystaan dad siyaasiyiin u badan. Taas oo laga yaabo in mararka qaarkood xaqiiqada laga tusiyo hal dhinac. VOA, BBC mey wariye soomaaliyeed shaqaaleysiiyaan, kuwaas oo dhacdooyinka soomaalida galbeedka yurub, si barax tiran ugu gudbiya. 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x