Macalin Asad Qaasim: Talooyin ku socdo waalidiinta soomaaliyeed ee heysta caruur dhigata iskuulada

0
221

Eng. Asad Qaasim: Yrkesfaglærer Elektro, Data & Elektronikksystemer for Rud Videregående Skole


Waxaan lagu jiraa xiliyadii imtixaanada iskuulka, oo dhamaan caruurta dhigata iskuulada dhexe, sare iyo waliba jaamacadaha ay marayaan imtixaanadii teeramka oo ah kuwa isdaba joog ah. Ardeygii kastana wuxuu galayaa 4-ilaa 7 imtixaan.

Waxaan ahey macalin soomaaliyeed oo wax ka dhiga iskuul sare, sidaas darteed waxaan halkan idinkugu soo gudbinayaa taloooyin aan ugu talo-galey waalidinta soomaaliyeed, xiliga uu ardeydu kujiraan imtixaanka. Waxaana la gaashaday diyaarinta talooyinkan dhalinyarada wargeyska NorSom News oo iyagaba ardey kale ah.

Fahan xaalada ardeyga xiliga imtixaanka:

Xiliyada imtixaanada teeramka, waa xiliyada ugu adag ee ardada dhigata iskuulada soo marta. Waxeyna maalmahaas imtixaanadu socdaan, ay ardadu kujiraan stress iyo wel-wel. Caruurteena soomaaliyeedna kumaba sii jiraan, oo waxaa badan goysmadooda, sidaas darteed ayaga wel-welka waxaa u dheer cabsi imtixaanka ah. Waxaa laga yaabaa inaad dareento in ilmihaaga dabeecadiisii ay isbadal ku timid, aadna ka aragto dhago-adeyg, xanaaq-dhow iyo af-celin. Waxaa haboon in waalidku ay fahmaan xaalada uu ilmuhu ku suganyahay xiligaas. Adigu waalid ahaan ha ugu darsamin wel-welka imtixaanka,  oo isbadalka dabeecadiisa ha uqaadan madax-taag iyo kibir, ee waqtii sii una dulqaado.  Ka wareyso xaalada imtixaanka, iyo meesha ay wax u marayaan, dareensiina inaad fahansantahay xaalkooda, aad ku fakareyso. 

Waqti sii: 

Waa halkan meesha ugu daran. Waalidka soomaaliyeed waxaa muhiim ah iney fahmaan in xiliyada imtixaanada ay ilmuhu u baahanyihiin waqti dheeri ah oo ay wax ku akhriyaan, si ay imtixaanka isugu diyaariyaan. Hadii ilmaha aad u dirsan jirtey adeeg iyo howlo kala duwan, waxaa laga yaabaa inuusan firaaqo u heynin sidii hore. Weydii taariikhda iyo maalmaha uu imtixaanka leeyahay, islana qorsheeya sida ugu fiican ee uu howlaha reerka gacan uga geysan karo, imtixaankana uu ku diyaarin karo. Tusaale ahaan, ilmahaaga oo isniinta imtixaan leh, axada Sweden adeeg ha uga dirin. Maalintaas imtixaanka ka horeyso sii waqti uu wax ku akhriyo, howlaha reerkana sidii kale ee lagu dabari karo, falankeeda gala. 

Waxaan kuu rajeynayaa guul:

Hadii aad ilmahaaga ka dareento inuu ka cabsanayo imtixaanka sababtu waxey rabto ha noqotee, ha canaanan oo ha dhihin damiinyahow maxaad si fiican wax ugu baran weyday intaan imtixaanka la gaarin. Niyada u dhis, una sheeg in imtixaanka uu ku guuleysan doono. U sheeg in hadii imtixaankan sidii la rabey uu xaalku noqon waayo, uu sifiican ugu baasi doono kan ku xigo. Marnaba canaan iyo hadal adag xiligaas haku oran, sababtoo ah waxaa laga yaabaa iney qalbigiisa dhaawacdo,  iskuulka dhana uu naco oo cuqdad nafsi uu ka qaado.

Dhiirigalin iyo Balan qaad:

 

Xiligaas imtixaanka, wuxuu ilmuhu u baahanyahay dhiirigalin. Baaritaano la sameeyay ayaa lagu ogaaday in sida ugu fiican ee uu waalidku imtixaanka ugu  dhiirigalin karo ilmaha, ay tahay balan-qaad hadiyadeed. Tusaale ahaan: Hooyo hadii aad imtixaanka xisaabta aad keento natiijo fiican, waxaan kuu balan qaadayaa inaan kuu iibiyo jaakadii aad jecleyd. Waxey taas u noqoneysaa dhiirigalin aan marnaba caadi aheyn. Laakiin ka dhabee balan-qaadka oo hadii uu keeno natiijo fiican, u samee wixii aad u balan qaadey. Waxey wanaajineysaa xiriirka idinka dhaxeeyo, waxeyna ku dhiirigalineynaa inuu iskuulka sii jeclaado. 

Weynee guusha ilmahaada:

Hadii ilmahaada uu natiijo fiican ka keeno imtixaanka teeramka, weynee oo sheeg-sheeg guushiisa. Hadaad awoodo, shahaadadiisa soo print-garee(soo daabac) oo darbiga guriga ku dhaji, si qof walbaa uu u arko. Xusuusi inuu yahay qof guul gaarey oo mudan in la amaano.  Waxey ku dhiirigalineysaa inuu sii wado dadaalka, waxeyna siineysaa kalsooni iyo himad sare.

Isbar-bar dhig haku sameyn laba qof oo kala duwan:

Hadii ilmahaagu uu imtixaanko keeno natiijo aad fiicneyn, islaanta Canbaro ilmaheeduna ay keenaan buundo fiican, isbar-bardhig haku sameyn.  Hana liidin, oo niyada haka jabin ilmahaaga. Ogow mar walba in hadalka aan fiicneyn iyo liidida waalidka, ay ilmaha uga darantahay wax walbe. Waalidkeena soomaaliyeed, waxaa ku badan arintan ah iney isbar-bar dhig ku sameeyaan laba qof oo kala duwan, sidaasna ay ku dhaawacaan qalbiga ilmahooda, iyaga oo aan ogeyn. 

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments