onsdag, april 24, 2024

Booliska Kristiansand: Ilaa hada ma heyno wax tilmaamaya in qof kale uu ka qeybqaatey dilka

Booliska magaalada Kristiansand, ayaa galabta shir jaraa´id oo ay qabteen faah-faahin uga bixiyey, meesha uu marayo dadaalka loogu jiro xaqiijinta macluumaadka la xiriiro, dilkii loo heystay A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan iyo Tone Ilebekk. 

Booliska ayaa shirkoodan jaraa´id ku sheegay in ilaa hada aysan heynin wax tilmaamayo in dilka labada marxuum ay ka qeybqaateen dad kale oo ka baxsan 15-jirka xabsiga kujiro. Balse waxey sheegeen iney wali wadaan baaritaanka iyo dabadalka fariimaha dadweynaha ee tilmaamaya iney jiri karaan dad kale. 

Waxey sidoo sheegeen iney heleen mindidii uu 15-jirkan u adeegsaday falka dilka ah, iyo waliba DNA- isku xiraya in 15-jirka iyo dilka labada marxuum. Mindida uu wax ku diley ayuu ku tuuray jidka loo maro gurigiisa, oo ah meel cabaar u jirto goobta uu dilka ka dhacay.

Iskuulka ayuu aadey subaxii talaada:

15-jirka norwiijiga ah ee dilka geystay, ayaa la xaqiijiyey in subaxii ka danbeeyay galabta uu dilku dhacay uu joogay iskuulka, waxaana sidaas warbaahinta u xaqiijiyey qaar kamid ah dadka ka shaqeeyo iskuulka uu dhigan jiray. 

Booliska ayaa sidoo kale sheegay iney baaritaan ku sameeyeen aaladaha internetka ee uu isticmaali jirey wiilkan dilka geystay, iyaga oo halkaas kasoo ogaaday inuu Internetka ka baarayay macluumaad ku saabsan sida loo qariyo raadadka dilka, kadib markaad dil geysato.

Yacquub Abdullahi Hassan iyo 15-jirka dilka geystay ayaa isla saarnaa busska, ugana wada dagey maxado aan wax badan ka dheereyn meesha uu dilka ka dhacay. Booliska ayaa sheegay iney kaamerada ku xiran busska kasoo dhex heleen, muuqaalka labada wiil ee wada socodo, daqiiqado kahor falka dilka ah. 

Sabab ayuu dilka u geystay: 

Booliska ayaa sheegay iney fikrad ka heystaan sababta 15-jirkan ku kaliftey inuu dilka geysto, laakiin waxey diideen iney saxaafada la qeybsadaan inta ay kasoo dhamaanayaa baaritaanada wali socda. 

Soomaalida wararka aan la hubin ha joojiyaan:

Waxaa wadanka gees ka gees la isla dhexmarayaa warar kala duwan oo la xiriira, dilka loo geystay  A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan, wararkaas oo intooda ah kuwa aanan loo heynin cadeyn. Waxaan dadka soomaaliyeed ee Norway degan, ku haboonaan laheyd iney joojiyaan faafinta wararka aan la hubin, isla markaana ay ka warsugaan booliska ku shaqo leh arintan, ee baaritaanka wado. 

Kilde/xigasho: NRK, FVN, TV2.NO 

[adsenseyu2]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x