Kristiansand: Maxkamada Kristiansand oo 11 bilood ku xukuntay wiil soomaali ah

0
148
Foto: Kjetil Nygaard

Maxkamada magaalada Kristiand ayaa maanta 11 bilood oo xarig ah ku xukuntay 26-jir soomaali ah oo lagu soo oogay dacwad ah inuu mindi ku weeraray soomaali kale oo 22 sano jir ah. Waxaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo lacag magdhow ah oo isku dar gaareyso 43.000 Nok.

Falkan weerarka mindida loo adeegsaday ayaa bishii April ee sanadkan ka dhacay maqaaxi ay soomaalidu leedahay oo kutaalo magaalada Kristiansand. 26-jirka weerar geystay ayaa lacag deyn ah ku lahaa dhibanaha mindida lagu dhaawacay, sidoo kale wuxuu ka heystay Playstation iyo jaakad. 

26-jirkan soomaaliga ah ayaa marka uu falka geystay ka baxsaday goobta, isaga oo labo saac kadib laga soo qabtay meel aan wax ka badan ka dheereyn meesha uu falka ka dhacay. Mindida uu adeegsaday oo dhererkeedu ahaa 8,5 cm ayaa sidoo kale laga soo helay guriga uu degenaa. 

Warbaahinta lokalka ah ee Kristiansand ayaa sidoo kale qorayo in ninkan soomaaliga ah uu sadex jeer oo hore ay maxkamadu u xukuntay. Hadana ay maxkamadu ka wel-welsantahay  xaaladiisa, maadaama ay maleynayeen in uu kasoo fiicnaaday sidii hore. 


En 26 år gammel mann er dømt til ti måneders fengsel etter å ha knivstukket en tidligere kamerat. Knivstikkingen skjedde på den somaliske kafeen i Festningsgata i Kristiansand…..les mer på norsk her:

Xigasho/kilde: FVN.NO, KRS247.NO

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments