Midnimo iyo kooxdiisa KFUM oo qarka u saaran inay u caraabaan horyaalka heerka 3-aad

0
188

kaptankii hore ee xulka qaranka Soomaaliya Ciise Aden Midnimo iyo kooxdiisa KFUM-Oslo ayaa hal talaabo u jira inay iska xaadiriyaan horyaalka heerka 3-aad ee wadankan Norwey. KFUM oo sanadkii hore kusoo biirtey horyaalka heerka labaad ee wadankan, ayaa hada u muuqata mid awoodi weyday inay kusii nagaato horyaalka OBOS-ligaha, oo ah horyaalka labaad ee ugu qiimo badan horyaalada kubada cagta ee Norwey.

KFUM ayaa guuldaro la kulantay lix kamid ah todobadii ciyaarood ee ugu danbaysey, iyada oo hada kujirto kaalinta 14-aad. Waxeyna 6 dhibcood ka hooseeyaan kooxda ugu sokeysa ee kujirto booska badbaadada ee HØDD, iyada oo horyaalka OBOS-ligaha ay ka harsantahay afar kulamood oo kali ah. 

Kaptan Midnimo oo KFUM kusoo biirey bilowgii xili ciyaareedkan ayaa kooxda u saftay 25-kulan, isaga oo xili ciyaareedkan kooxda u dhaliyay labo gool oo qura, halka uu caawiye ka ahaa gool kale.

Su-aasha isweydiinta mudan ayaa KFUM iyo Ciise Midnimo wax maku hareen oo mala imaan doonaan qaab ciyaareed ka fiican kii ay soo bandhigeen ciyaarihii ugu danbeeyay, mise mar hore ayay boorsooyinka u xirxirteen horyaalka heerka 3-aad ee Norwey. 

[adsenseyu2]

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments