Fredrikstad: Gabar soomaali ahoo 10 sano sharci la aan ku ah Norwey iyo kaamkii ay degeneyd oo la xirayo

0
120
FOTO: Geir A. Carlsson

Laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee UDI-da ayaa isbuucan soo saartey war ay ku sheegayso inay albaabada u laabi doonto kaamam kale oo dhowr ah, maadaama ay yaraadeen dadkii magangalyada soo weydiisan jirey Norwey. UDI-da ayaa sheegtay in dadka ku jiro kaamam uu dadkoodu yaryahay, loo wareejin doono kaamam kale, si ay u yaraato kharashka ay dowladu ku bixiso kaamam badankoodu ay faaruqa yihiin. Waxayna tani noqonaysaa, markii labaad oo ay UDI-da kaamam albaabada u laabto, mudo hal bil gudaheeda.

Kaamamka ay UDI-da sheegtay inay xireyso ayaa waxaa kamid ah kaamka Veumalléen oo kuyaalo magaalada Fredrikstad. Dadka halkaas degenaa ee loo sheegay in loo wareejin doono meelo kale, ayaa waxaa kamid ah Leylo Cabdi Yuusuf oo mudo aad u badan halkaas ku nooleyd. Wargeyska Fredrikstad Blad ayaa warbixin ka diyaariyay xaaladeeda nololeed iyo dareenkeeda ku aadan arintan xiritaanka kaamkan oo hada ah gurigeeda ay rasmiga u dagantahay.

[adsenseyu2]

Leylo waxay Norwey iska soo dhiibtey sanadkii 2006, waxayna diidmo ka heshay codsigeeda magangalyada, balse waxay racfaan ka qaadatay go-aanadii looga diidey sharciga. Gabadhan soomaalida ah ayaa wadanka sharci la aan ku nooleyd mudo 10 sano ku dhow. Sida uu qorayo FB, Xaalada caafimaad ee gabadhan soomaalida ah ayaa keenayso in jawaabteeda kama danbeysta hadba dib loo dhigayo, go-aan kama danbeys ahna aan laga gaarin arinteeda.

leylo oo ka hadleyso dareenkeeda ku aadan xiritaanka kaamkan ay ku nooleyd mudada dheer ay FB u sheegtay:

Aniga dhan waa yaabanahay, bisha desember ayaan buuxinayaa 10 sano oo aan halkaan degenaa, mana garanayo waxa dhici doono. Waxaan la hadlay dadka dariska ah, kuligeena arintan kadis ayay nagu noqotay, waxaana isweydiineynaa waxa dhici doono waqtiga soo socdo.

Waxaan isbaranay dad badan oo magaalada ku nool, waxaana ka shaqeeyaa suuq lagu iibiyo alaabta macmalka ah. Waxaan halkan ku leeyahay dadka aan ku kalsoonahay, iyagana igu kalsoon. 10 sano kahor ayaan halkan nolol cusub ka bilaabay, weyna igu adagtahay inaan 10 sano kadib aan meel cusub oo aanan aqoon u wareego. Waxaana taas ii dheer xaaladeyda caafimaad oo aan aheyn mid taam ah, waxaan soo marey sadex qaliin. Nasiib ayaan leeyahay maadaama aan hal dhakhtar oo fastlege ah oo halkan ku heystay. Ma aan heysto personnummer( 11-ka number), sidaas darteed hadaan guuro oo meel kale tago, waxaa igu adkaaneyso inaan helo meel aan ka helayo waxyaabihii aan halkan ku heystay. 

Leyla ayaa hadalkeeda raacisay in arintan aysan iyada hada wax ka qaban karin,laakiin ay ku kalsoontahay ilaahay, isagana ay talo saaratay maadaama wax walbe ay gacantiisa kujiraan.

Xigasho/kilde: Fredriksstad Blad 1, Fredriksstad Blad 2

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments