Ustaad Abdullahi Elmi Ibrahim. (Bergen)

Maalmahaan waxaa warbaahinta Norway aad u hadal haysaa carruur soomaaliyeed oo dhalasha Norway haysta, kuwaas oo dhaqan celin loo geeyay Soomaaliya. Waxaa la soo werinayaa in carruurtaas loo geystay ciqaabo iyo gabood falyo aad u xanuun badan.

Haddii sida wax loo sheegayo wax u jiraan waa arrin aad u xanuun badan oo aan diin iyo dhaqan suuban sal kuleheyn, waaba haddii sida wax loo sheegayo sax tahay.

Ma ahan markii u horeysay ee la soo weriyo arrimaha nuucaan ah. Bishii meey 2017 ayaa sidaanoo kale warbaahinta wadankaan baahisay carruur soomaaliyeed oo si qasab ah lagu geeyay Hargeysa, waxaana sidaan oo kale loo sheegay in carruurtaas loo la dhaqmay si bilu’aadanimada ka baxsan. Waxaana loo geystay tacatiyo, waa sida hadalka loo dhigaye.

Hadda dowlada Norway waxay ka baaraan degeysaa wixii ay ka yeeli leheed in carruurta dib loogu celiyo soomaaliya loo kuna geysto tacatiyo iyo gabood fal xaddhaaf ah. Weli macado waxa go’aanka dowladu noqon doono, laakiin waxaa la filayaa inay ka soobaxaan go’aano aan lagu farxin oo dhibaata u geysta waalidiinta soomaaliyeed ee doonaya inay carruurtooda dib wadankii ugu celiyaan ama fasax u adaan.

Waxaa la sugi doonaa waxa go’aanka dowladu noqdo, laakiin inta aan la gaarin dowøada iyo go’aamadeeda, maxaa soomaalida la gudboon? Waxaa jira su’aalo badan oo nalooga baahan yahay in aan jawaah uhelno. Waxaan u baahanahay in aan isweydiino. Soomaaliya ma nabadbaa oo dib ma loogu noqon karaa?

Intabadan waxaan ka soomaali ahaan ku doodnaa in wadankii aan lagu noqon Karin sababtuna ay tahay inaysan jirin xasilooni leysku haleyn karo. Sidaas darteed ayaan aad uga soo horjeednaa in dadka soomaaliyeed sharciga laga celsho ama wadankii dib loogu laabto. Maxaan ku sababeyn karnaa dib u celinta ubadka?

Sida caadiga ah waalidka ayaa ma’uul ka ah daryeelka ubadka, Allah SWT waalidka ayuu kula xisaabtamayaa mas’uuliyada saaran. Waxay warbaahintu tuseysaa ubad ka cabanaya ciqaabaha la marsiiyay, waxaana ka wada danbeyay sida ay ubadku sheegayaan waalidka iyo xarumaha dhaqan celinta ee ubadka lageeyo. Sua’aashu waxay tahay waalidka ilmihiisa marsiinaya ciqaabta nuucaas ah waa waalid nuucee ah?

Waxaa kale oo ku soo baxaya in ubadkan la qiyaamo oo lagu geeyo sir iyo marin habaabin. Waalidku waxay doonayaan inay wax hagaajiyaan oo ubadkooda tarbiyo iyo diin baraan iyagii waxay u marayaan wada qiyaano.

Mabdi’iyan ma diidani in ubadka lageeyo wadankii oo la soo baro dhaqan iyo diin laakiin waxaa lagama maarmaan ah in la isudiyaariyo talana lagu boxo oo ubadka laga qeybgeliyo talada maadamaa ay carruurtu yihiin kuwa la doonayo inay wax ka soo faa’iidaan.

Waxaa kale oo iyaduna aad muhiim u ah in aad la isaga hubiyo goobaha waxbarasho ee ubadka lageynayo. Waxaa aad nasiib darro u ah in aad ubad dooneysay inay diin iyo dal bartaan wax faa’iido ah aysan kala kulmin wadankii. Taas sababi kartaa in ubadku naceyb iyo niyad jab kaqadaan intii ay wax ka soo faa’iidi lahayeen. Dadku waa isku jiraan waxaan arkay ubad wadankii lageeyay oo nacaybka ay u qadeen dartiis dhahaya magaca soomaaliyeed waan necbahay oo waa I dhibayaa iyo kuwa kale oo wadankii inat muddo soo joogeen Norway dib ugu soo laabtay oo laakiin kuu sheegaya inay soomaaliya aad u jecelyihiin.

Marka waxaan ku talinayaa in talo arintan laga bixiyo, oo qiyaanada layareeyo waayo ubadka iyo waalidka midna dani uguma jirto in leys qiyaamo.

W.Q: Cabdullahi Elmi Ibrahim(CC).


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga ka dhiibato dooda maalmahan socoto ee ku saabsan ilmaha la celiyo, ama aad iftiimiso sida lagu xalin karo, fadlan qoraalkaaga noogu so dir: NorSomnews@gmail.com

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of