Abdullahi Elmi: Yaa mudan in la doorto?

0
226
Ustaad Abdullahi Elmi Ibrahim. (Bergen)

Qoraalkii gaabnaa ee aan qoray isbuucii hore ee ku saabsanaa doorashada ka dheceysa wadankaan Norway, ayaa wuxuu dhaliyay dood iyo niqaash farabadan. Shaqsiyan waan soo dhaweynayaa in si cilmiyaysan loo dood0, lana kala fa’iideysato.Dadbadan ayaa fikrado kala duwan ka bixiyay qoraalka gaaban. Waxaa jiray qaar si toos ah ila soo xariiray.

Su’aalaha la i soo weydiiyay waxaa ka mid ah,  cidda ku haboon in loo codeeyo sanadkaan, madaama aan soo jeediyay in AP laga guuro sanadkan. Waxaan rabaa in aan hoosta ka xariiqo muhiimada ay leedahay in la codeeyo lagana qeybqaato doorashada.( Halkan ka akhriso maqaalkeygii hore)

Laakiin yaa mudan in loo codeeyo?:

Waxaa mudan in aan la hilmaamin dhowr arimood oo ay ka midyihiin yihiin

1) in aragtiyada lagu kala gedisan yahay oo qof kasto oo naga mid ha ay si wax ulamuuqa karaan. Waxaa laga yabaa in aan anigu aaminsanahay inay haboon tahay in loo codeeyo xisbi A. Qofkalena ay ula umuuqadto in xisbi B ka wanaagsan yahay xisbi A.

2)Arinta iyaduna aad muhiim u ah inaan maanka ku hayno waxay tahay in aysan suurtagal ama ay aad u adagtahay in dadka oo dhan hal meel isku wada raacaan. Aad ayay u fiicnaan leheed in taas dhacdo laakiin xaqiiqdu waa in aysan dheceyn. Marka waa inaan xaqiiqda waa jahno oo la dhaqano.

Fursada jirtaa waxay tahay in qofkastaa isbedel sameyn karo lana xisaabtami karo xisbiyada iyo siyaasiinta. Haddaba waxaa muhiim ila ah in aan aqrino siyaasada xisbi kastaa soo bandhigo, sifiicana loo dhuuxo faa’idada kujirta iyo dhibka ka imaan kara.

Wey adagtahay in hal xisbi hanto talada wadanka oo dhan marka xisbi kastaa wuxuu ku qasban inta badan inuu xisbi kale la shaqeeyo. Marka waxaa aad muhiim u ah in la fiirisid xisbiga aad dooneysid in aad u codeeyso yuu doonayaa inuu la shaqeeyo. Waxaa intabadan dhacda in xisbiyadu wada shaqeyaan. Wadashaqeyntaas waxay noqon kartaa mid kooban tusaale ahaan waxaa laga wada shaqeynayaa hal arin sida siyaasada la xiriirta soogalootiga. Marka waxaa muhiim ah in aad ka fekerto arintaas si aad u ogaatid xiriirka ka dhexeeya xisbiyada. Marka aad arakto xisbiga aad isleeyahay waxbadan ayaad ka mideysantihiin ayaad u codeyneysaa.

W.Q: Abdullahi Elmi Ibrahim


Hadii aad rabtid inaad fikirkaaga, aqoontaada, khibradaada ama dareenkaada aad la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaaga noogu soo gudbin kartaa NorSomNews@gmail.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments